Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Bogga Internetka ee Fitness oo ka faallooda arrimaha caafimaadka ayaa qoray qaar ka mid ah faa’idooyinka ay raqaygu u leeyahay caafimaadka. Boggan laga leeyahay dalka Maraykanka oo qormadiisan waxa uu sheegay in raqayga ay ku jiraan Fiitamiinno aasaasi ah oo aad u tiro badan, sida Fitamiinka C, sidoo kalana ay ku jiraan maaddooyin si dabiici ah jirka u xuub siiba dibna u cusboonaysiiya, sidoo kale waxaa ku jira macdanno kala duwan oo ay ka mid yihiin Magnesium iyo Potassium. Qaar ka mid ah faa’iidooyinka ugu muhiimsan ee warbixintu sheegtay in laga helo raqayga (xamarta) waa:
1. Ka hortagga gabowga: Asiidhada, Fitamiinno iyo maaddooyin kala duwan oo raqaygu hodan ku yahay waxa ay la dagaallamaan gabowga iyo calaamadihiisa, .
2. Ka hortagga xumadda: raqaygu waxa uu si dabiici ah u dejiyaa heerkulka, si uu uga hortagto in ay ka dhalato xummad
3. Caabuqa dhuunta: Raqaygu waxa uu daweeyaa caabuqa mararka qaarkood ku dhaca hunguriga, gaar ahaan marka timirta lagu dhex milo biyo ama dareere kale oo kasta, waxa uu nadiifiyaa isla markaana uu dhayaa goobta uu caabuqu ku dhashay.
4. Xilliga soonka iyo raqayga: Khubarada caafimaadku waxa ay sheegeen in cabbitaan raqayga ah oo la cabbo xilliyada cuntada dhexdoodu uu dhiigga ka nadiifiyo sunta oo inta badan kaga timaaddo meelo kala duwan.
5. Kansarka: Ugu dambayntii khubarada caafimaadku waxa ay aaminsan yihiin in raqayga uu ka hortagto oo joojiyo Kansarka, isla markaana kordhiyo tayada hab-dhiska difaaca jirka.