DADKA LOO OGOLAYN DAAWO ISTICMAALKA FUDUD.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

DADKA LAGA FOGEEYO DAWOOYINKAA.

Daawo  waa waxyaalo chemical(kiimiko ah) oo la isku dardaray si  loogu daaweeyo xanuuno .

Daawooyinka kale duwani laba si ayey ushaqeeyaan si ay jidhka shaqadiisa caafimaad ahaan usii wadan iyo si ay shaqada caafimaad ee jidhka hoos ugu dhigaan.

 Xaaladaha caafimaad darro ee lasoo darsa habsami usocodka shaqada jidhka mid walba waxa ay leedahay xaalad loola tacaalo.

Maqaalkeenan manta waxa aynu kaga hadli dadka laga fogeeyo daawooyinka ee aan si fudud iyagu iskood u isticmaali Karin.

Waxa aynu uqabin doonah saddex qodob :-

  • HOOYADA UURKA LEH.
  • CARUURTA YAR-YAR.
  • DADKA WAA WEYN.

HOOYADA UURKA LEH.

Hooyadu marka ay uur –sid ay tahay waa marxalad aad iyo aad u hawl badan una baahan in laga war hayo ,laga taxadiro la meeleeyo loona samro .

Xaalada culayseed ee haysataha hooyada uurka leh waa xaalad ubaahan in laga warhayo waayo waxa ay qaadan kartaa goaamo degdeg ah iyada oo ay ugu wacan tahay xaalada ay ku sugantahay.

Hooyada uurka leh daawooyinka ay qaadanayso waa daawooyin ay qoreen kana tashadeen dhakhtarkeeda iyo daawo-yaqaankuba.

Xaalada hooyada iyo daawada siday ushaqaynayso  ayaa la isku eegayaa iyada oo hooyada loo doorayo daawada ugu fiican dhinacna uga dhibaatada yar ayaa lasiinayaa .

MAXAA CAWAAQIB XUMO IMAN KARTA HADII HOOYADA UURKA LEH AY ISTICMAASHO DAAWOOYIN AAN DHAKHTAR UQORIN .

  • Waxa kordhaya qaraaca wadnaha xaaladani waxa ay keeni kartaa in wadne istaag uu dhaco.
  • Daawooyinka qaar ayaa sabab- i kara in madheertu hooyada kazoo dhacdo ,taasina ay laba xaaladood keeni karto mid waa ilmaha yar oo noloshiisi halkaas ku istaagi karto hadii aan la badbaadin,xaalada kalena waa hooyada oo dhiig bax aad ubadan uu ku dhaco taasina ay galin karto xaalad aad udaran.
  • Daawooyinka cawaaqib xumadooda ayaa keeni kara in hooyada caanaha naasku ay yaraadan ama ay badnaadan iyaga oo ay sababayaan daawo ay isticmaashay hooyadu.

CARUURTA YAR-YAR.

Marxaladan waa marxalad aad iyo aad ugu badantahay sumowga caruurta iyo daawadu .

Inta badan caruurta waxa loogu diidaa maadama habdifaaca jidhkooda iyo xubnayaasha ka qayb qaata habaynta,qashin saarka iyo burburinta daawadu ayna ahayn qaar qaan gaadhay sababtaas ayaa loogu diidaa daawo aan dhakhtar u qorin in aan lasiin.

Marxaladan caruurnimo waa marxalad  hadayna waalidku aqoon badan aanu lahayn ay keeni karto in ilmuhu marwalba oo xanuunku kusii  batoh in daawadana loosii kordhiyo taasina ay kabadbadin ay tahay laga badbadinayo  qiyaasti  dhakhtarku usoo qoray inkabadan in lasiiyo.

Sumowga daawooyinka dadka ku somowaa waa ubadka yar yar sababtaasna waxaa dayac daawooyinka waalidku ay isticmaalayan ay meel ubadku ay gaadhayan ay saarayaan.

MAXAA CAWAAQIB XUMO AH OO AY KU KEENI KARTAA DAAWADA ILMAHA YAR .

  • Waxa ay keeni kartaa in ilmaha maqaarkiisu uu yaraado.
  • In biyo badan jidhkiisi maqaar ka ay galaan biyaha gudaha iyo biyaha dibadu kale bataan .
  • In habdhiska qashin saarku uu hoos udhaco.
  • In habdhiska burburinta iyo naqo nuuga jidhku uu hoos udhaco.
  • Xanuuno way iman karaan.

DADKA WAA WEYN.

Maadama  xaalada dadka waaweyn ay usii durkayso xaalad tabcaanimo iyo habsami ushaqaynta jidhka oo hoos udhacda.

MAXAA AY CAWAAQIB XUMO KU KEENAYSA.

  • Daawooyinka qaarkood ayaa ceebtoodu ay tahay in calcium ta hoos udhigaan qofka weynina muruqyadiisu ay kukeenta in ay diciifaan.
  • Daawooyinka qaar waxa ay ku kordhiyaan subag ama dux jidhkoda madama ayna muruqyradii jimicsiga sameynayey shaqadoodii ay gabeen.
  • Daawooyinka xanuunbaabiiyeyaasha ayaa ay dadka waaweyn aad u isticmaalaan waxa ayna sababi karaan in kelyaha iyo beerka ay saameeyaan.
  • Saamaynta xun ee daawoyinku waxa ay ku keeni karaan xanuuno badan.

xaaladaha khatarta ah ee aad ku aragto qof daawo isticmaalay waxa muhiim ah in aad si degdeg ah dhakhtar ama xarun caaafimaad aad geysid.