Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Marxaladaha guurku waxa ay maraan saddex marxaladood.
Marxaladba marxalada ay ka danbayso way ka hawl iyo culays badantahay.
MARXALADDA KOOWAAD EE UURKA.
Marxalada koobaad ee uurka albaabka makaanku waa uu jilcaa kadibna waa uu furmaa cabir ku dhow 10 centi-meter.
Xaaladan inta badan waxa ay qaadata saacado iyo maalmo ,marxaladan hooyada waxa lagu arkaa xanuun iyo degenaanshiyo la’aan.
CALAAMADAHA LAGU ARKO FOOSHA HORE.
- Dareere adag ayaa xubinta lagu arkaa .
- Qaar ka danbe oo xanuun badan yeesha.
- Waxa hoos udhaca dhaqdhaqaaqii xiidmayaasha ,taasina waxa ay keeni kartaa calool istaag.
- Dareere badan ayaa lagu arki karaah ,dareeraha nooca colour ka uu yahay waxa ay kuu iftiiminaysaa xaalada ilmahu uu ku suganyahay tusaale hadii cagaar uu noqdo dareeraha xubinta kazoo baxaya waxa ay cadayn utahay in xaalad cafimad darro uu ilmuhu uu ku jiro ,muhiim na aytahay in ay sidegdeg ah dhakhtar loola xidhiidho si loo badbaadiyo ilmaha yar.
- Matag ,xaaladan waa xaalad sahlan laakin ubaahan in aan lasii eegan waxa ay keeni kartaaa fuuqbax iyo nafaqo darro.
MARXALADA KOOWAAD KADIB MAXA LOOGA BAHANYAHAY HOOYADA UURKA LEH.
- Guriga joog siday macquul ku noqon kartoh.
- Awoodaada isku day inaad kaydsatid.
- Xanaaqa badan ka fogow.
- Heerka sonkortaada ka war hay oo cabir,
- Heerka cadaadiska dhiiga cabir.
- Hadaad isku aragtid in heerka sonkorta iyo heerka dhiigu in uu sareeyaan la same- tashi dhakhtarkaaga .
- Cun cunto nafaqo leh oo isku dheeli tiran.
Xaaladan waa xaalad ubaahan daryeel badan oo qof ahaaned ,xaaji ahaan iyo dhakhtar ahaanba .
MARXALADDA LABAAD EE UURKA.
Marxalada labaad ee uurku waxa ay ka bilaabmaysa marka albaabka makaanu uu wada furmo.
Maxad ku garan kartaa calaamadaha marxaladda labaad ee uurka
- Albaabka makaanku uu wada furmay .
- Inbadan oo isku xigxigta waxa dhacaya in makaanku ururo si ilmaha dibada loogu soo saaro,
- Yalaalugo iyo mantag .
- Qaraac iyo xanuun badan oo xubinta ah.
Maxaa la gudboon hooyada uurka leh.
- Marka hal mar oo urur makaanku uu sameeyo waxa mudan inaad nasatid.
- Isku day inaad dhinacyada ubedbedelatid jiifka.
- Hadii aad dareentid kulayl isku day in wajiga laguu qaboojiyo.
- Dadka kuu dhow ama xaajigu waxa muhiim ah in uu ku masmasaxo jidhka si kulaylku uu kaaga go’o.
- Isku day in aaad iska yaraysid candhuuf tufida iyo dareeraha jidhku in uuna ka bixin si fudud.
XAALADDA CADAADISKA .
Cadaadiska uu samaynayo makaanku waxa ka dhalanaya caadaadis ,cadaadiskaas oo sababaya in ilmuhu uu soo dhaafo makaanka uuna imaado afka hore ee makaanka si loogu diyaariyo in dibadda loogu soo saaro .
Xaaladan ilmaha ayaa dibadda madaxa ula soo baxa,
MARXALADDA SADDEXAD EE FOOSHA.
Xaaladan waxa ay dhacdaa marka ilmuhu uu dibadda uu usoo baxo ee uu dhasho,
- Xaaladan ducashada ugu danbaysa waa in madheertu dibadda usoo baxda ,haday soo bixi wayso xaalad degdeg ah aya iman kartah..
- Waa in uu joogsada isku ururka makaanka hadii kale xaalad caafimad darro oo dhiig bax ka kawyahay ayaa iman karta.
Kadib ilamaha yar ayaa xaaladiisa lala soconaya iyo hooyada waxaanaa arinkaas fulin kara dhakhtar.
KABACDI MARXALADDA UMUSHA .
xaalada umushwaa xaalad ama marxalad aad iyo aad u hawl badan loona baahanyahay in hooyada xaaladeeda lala socdo. habdhaqan wanaagsan labada waalid iyo xaajigu waa marxaladda ugu wanagsan mooralka ama niyadda hooyada lagu dhisi karo. cunto nafaqo leh kawar hayn joogto ah in lasiiyo ,sidii xaaladii hore ee marka uurka lahayd loola socday sidii oo kale ayaa xaaladeeda loola soconayaa dhakhatarkeediina la tashi wanaagsan waa in lala yeeshaa si xaaladeedii hore ugu so noqoto nafsad ahaan iyo jidh ahaan.