Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Sida ay nu wada ogsoonahay qanjo xanuunku waa mid ku badan dadkeena soomaaliyed .
Caabuqa ku imaada qanjaha waxa sababa BACTERIA .
Bacteriyada qanjuhu waxa ay u yihiin deegaan ay kunoshahay ,marka waxyaabaha ay ku korosay ay hesho ,habka difaacuna uu diciifo ayaa ay ku keenaysa caabuq.
Bacteriyada sababta waxa loo yaqaan STREPTOCOCCUS BACTERIA.
CALAAMADAHA QANJO XANUUNKA.
- Cassaan.
- Qaraac badan.
- Liqidda ama calalinta oo adag .
- Af urid.
- Barar.
- Hadalka oo dhibaya.
- Xumad.
CAWAAQIB XUMADA KA DHALAN KARTA QANJO XANUUNKA.
- Caabuq ku dhaca dhegaha.
- Dheecaan ku samaysma qanjaha iyo hareerahooda.
- Dhiiga oo sumooba.
- Lafo xanuun.
- Cawaaqib xumo wadnaha soo gaadha.
- Cunto la’aan.
- Sun dhiiga raacda oo sababta in maskaxda lakabyadeedu ay noqdaan qaar caabuq uu ku samaysmo.
KA HORTAG.
Qanjo xanuunka ka hortag fiican waxa u ah in sonkorta ,waxa qobow,iyo cuntooyinka sonkortu ku badantahay in la iska yareeyo ama la joojiyo xiliga qanjuhu kacsan yihiin ,sababtuna ay tahay macaanka badan waxa ka faaiidysanaysa bacteeriyada iyada oo ka faaiidaysa koritaan iyo in ay cawaaqib xumo badan ay sii sababtoh.
Milixdu waa daawaada labaad ee marka laga imaaad antibiotic ga ama irbadaha bacteeriyada lagu yareeyo ee loo isticmaalo xaaladaha caafimaadka.
Qofka qanjuhu xanuunayaan waxa muhiim in marka uu sii seexanayo uu ku luqluqdo biyo diiran oo milix leh sidoo kale marka uu soo toosana uu kuluqluqdo.DAAWAYN.
DAAWAYN.
Daawaynta waxaa qoraya dhakhtar ama daawo yaqaan.
Waxay soconaysaa ugu yaraa dotoba cisho waxa ay ku xidhantahay heerka xanuuna .