Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
baabasiirtu waa xidido laamo aad moodid oo ku yaal halka ugu danbaysa malawadka ee saxaradu soo marto.
babaasiirta dibadda kutaal hadii aan la daawayn waxa ay keeni kartaa oo kale in babaasiir guduhuna ay samaysanto.
qofkiina uu sidaas ku qaadi karo babaasiirta dibadda iyo babaasiirta gudaha .
Babaasiirtu waa dhibaato dad badan laga helo waxana ay saameysaa qiyaastii 50% dadka waqti ka mid ah noloshooda. Inkastoo ay xanuun leedahay lagana xishoodo, caadi ahaan ma aha xaalad culus.
CALAAMADAHA XANUUNKA.
-cun-cun dabada ah.
-dhiig saxarada soo raaca.
-raaxo la’aan iyo degenaan la’aan xiliga saxarada.
-barar .
-dhereg iyo dibiro.
-dhiig aan xanuun badan lahayn oo socda.
Marmarka qaarkood babaasiirta ku jirta gudaha marinka saxarada ayaa dibadda uga soo baxda . Waxa taa loo yaqaana babaasiir soo dhacday (prolapsed/prolapsing haemorrhoids). Marka ugu horeysa, waxa laga yaabaa in babaasiirtu kaligeed dib iskaga noqoto, laakiin marka dambe waxa laga yaabaa inaad u baahatid inaad adiga dib u celisid adiga oo isticmaalaya fartaada.
Babaasiirta dibadda u soo baxsani waxay keeni kartaa cuncun maqaarka ah iyo raaxo-darro badanaana waxa jira axal ka yimaadaa xubinta axalka sameysa ee xadxatootay. Babaasiirtu waxay noqon kartaa mid bararsan, laakiin marmar dhif ah mooyaane aad uma xanuun badna, iyadoo la xiriira kala-dhambal ama kala-dilaacid dhab ah .
Haddii babaasiirtu ay kuu keentay xanuun badan iyo raaxo-daro, waa inaad u tagtid Dhakhtar.
MAXAA KEENA BABAASIIRTA?
Waxa loo haystaa in babaasiirta ay caloosha adagi sababto. Haddii calooshu ku adag tahay muddo dheer badanaana ay dhib kugu tahay sidii aad u dhigi lahayd saxarada adag, waxay taasi dhaawac u geysan kartaa gidaarka ama darbiga marinka saxaradu marto. Haddii taasi kugu
dhacdo marrar xoogaa ah oo ku filan in dhibaato timaado, waxa laga yaabaa in xididada ay ka lumaan taageerada iyo badbaadinta caadiga u ahayd. Waxa loo haystaa in dadka qaarkii ay leeyihiin xidido u jilicsan dhaawaca noocaasoo kale ah. Waxay u badan tahay in taasi la
xiriirto kala duwaanta jirka dadka oo ah arrin nasiib ah.
Babaasiirtu kama timaado fadhiga lagu fariisto meel adag oo qabow, sare joogga badan ama shaqada fadhiga ah.
Xididada dhiigga celiya (arooriyeyaasha) ee dabadu waxay ku darsamaan xidido ka sii weyn kuwaasoo dhiigga sii maraya beerka kuna celiya wadnaha. Qaybtaa ka tirsan habka xididada dhiig-celinta (habka arooriyeyaasha) ee waaweyn ma laha albaabo ama kalaxireyaal, waxana imanaysa in miisaanka dhan ee dhiiggu ku dhaco xididada dhiig-celinta ama arooriyeyaasha ugu hooseeya habka, kuwaasoo kala jiidma. Wax kasta oo xayiraya kor-u-socodka xorta ah ee dhiigga maraya xididadaa waxa uu keenaya in cadaadisku ku kordho. Taasina waa sababta inta badan babaasiirta loogu arko haweenka uurka leh.
KA HORTAGGA XANUUNKA BABAASIIRTA.
Ma jirto hab hubaal ah oo lagu joojiyo babaasiirta, laakiin cunto leh duf ama buushe badan ayaa wax wanaagsaan ah oo lagaga bilaabo ka-hortagga. Waxa taasi yareynaysaa halista caloosha oo joogsata iyo saxarada oo dhib iyo ducasho lagu soo saaro taasoo keeni karta
babaasiir.
Talooyinka guud waa:
- Cun khudaar iyo cagaar badan oo daray ah ama cusub (ugu yaraan shan qaybood maalin walba)
- Iska yaree baruurta (gaar ahaan dufanka xayawaanka), cuntada sonkorta leh, cuntada aad looga sii shaqeeyay ama la warshadeeyay
- Cun cunto badan oo ah nooca digirta (sida digirta yaryar, digirta waaweyn, iyo digirta leh miraha balbalaaran)
- Cun wax badan oo ah cuntooyinka laga sameeyay miraha ama xabuubka kaamilka ah ama dhameystiran (sida noocyada rootiga/rootiga ee laga sameeyay xabuubka kaamilka ah, ama baasta iyo siriyaalka xabuub kaamil ah laga sameeyay).
- jooji cunista ama cabista kale duwan ee balwadaha.
Waxa kale oo fiican cunto duf badan leh haddii aad imminkaba qabtid babaasiir. Waxay taasi gargaar ka geysanaysaa caloosha adag iyo inaad ka baxsatid ducashada marka aad saxaroonaysid si aan babaasiirtu kuugu sii xumaan.
Babaasiirta gudaha ee dibadda u soo baxday waa in la celiyo, haddii ay suurogal tahay, iyadoo la isticmaalayo cadaadis khafiif ah oo faraha ah. Waa in taa la sameeyo iyadoo la jiifo. Haddii babaasiirtu aanay dib u noqonin, ama ay kugu hayso dhibaatooyin ku dhibaya,
waxa laga yaabaa in loo baahan yahay daweyn.
Waxa kale oo fiican cunto duf badan leh haddii aad imminkaba qabtid babaasiir. Waxay taasi gargaar ka geysanaysaa caloosha adag iyo inaad ka baxsatid ducashada marka aad saxaroonaysid si aan babaasiirtu kuugu sii xumaan.
Babaasiirta gudaha ee dibadda u soo baxday waa in la celiyo, haddii ay suurogal tahay, iyadoo la isticmaalayo cadaadis khafiif ah oo faraha ah. Waa in taa la sameeyo iyadoo la jiifo. Haddii babaasiirtu aanay dib u noqonin, ama ay kugu hayso dhibaatooyin ku dhibaya,
waxa laga yaabaa in loo baahan yahay daweyn.
CAWAAQIB XUMADA KA TIMAADA DAAWAYN LA’AANTA BABAASIIRTA.
-xinjirt ku samaysanto xidida dhexdoodii kadib sidaas xidiidkii iyo dhaman unugii noolaa uu sidaa uu ku dhinto.
-dhiig bax ,sababtuna ay tahay marwalba oo uu qofku uu saxaroodo in dhiig badan uu soo raaco taasina marmarka qaar ay keeni karto in xidida mid kamid ah uu furto.
DAAWAYN.
daawaynta babaasiirta waxa goaamiya dhakhtar .
laba mid ba waa loo daaweeyaa iyada oo la isticmaalay mar cream marna siboosto .