Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Caabuqa ku dhacaya xubinta luqada qalaad lagu dhaho(appendicitis) ayaa loo yaqaan qabsin.
Qabsin waa xubin yar habka shaqadeedana lagu tiriyo difaaca jidhka ayaa waxa ku dhaca caabuq (barar,casaan iyo xanuun.).
Waa xaalad caafimaad oo degdeg ah sida ugu fudud ,laguna yarayn karo cawaaqib xumada ka dhalan karta oo ah in uu dilaaco ayaa ah in qalniin lagu sameeyo degdeg ah.
MAXAA KEENA QABSINKA.
Shaqo gudeedka xubintan ayaa waxa ku dhaca in xididadu ay xidhmaan ,iyada oo loo aanaynayo kansar ama in waxyaabo jidhka dibadda kasoo galay ay xidhayaan.
CALAAMADAHA XANUUNKA.
- Xanuun aad udaran qaybta sare ee macdanta.
- Yalaalugo.
- Mantag.
- Cunto yari.
- In ay ku adkaato in naqas xaga danbe ka imaad.
- Calool is tag.
- Xanuun badan xiliga qashin saarka kaadida.
SIDEE LOO XAQIIJIYAA QABSINKA.
- Sawir macdanta laga sawiro ,waxa uu soo saarayaa ama xaqiijinayaa in caabug uu ku dhacay qabsinka.
- Kaadi ayaa qofka loo diraa ,si looga baadho caabuq.
- Dhiigga ayaa qofka laga qaada ,si looga baadho caabuq.
- Sawir ct-scan ayaa macdanta ama inta dhexe laga saara ,waxa uu xaqiijinaya in xanuunku uu jiro iyo inkale.
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA QABSINKA.
Xanuunkan oo aad u halis badan hadii aan laga hortagin ayaa waxa ka hortagis u ah in qofku uu isticmaalo cunto gal leh iyo khudaar.
Calool istaagu uma wacna dhaman caafimaadkeena ,ka hortagtayaa qabsin ,ka badbaaday dhaman xanuunada ay keento calool istaagu.
CAWAAQIB XUMADA KA DHALATA ISKA DAAWO LA’AANTA QABSINKA.
- In qabsinka kiishkiisu uu ku dilaaco jidhka ,taasina ay keeni karto dhamaan uur ku jirto in caabuq miidhan ama caabuqu uu wado gaadho ,hadii uu wada gaadho caabuqu dhaman macdanta sida (beerka,mindhicirada ,kelyaha ,sanbabada iyo wadnaha) waxa hubaal ah in uu gaadhayo maskaxda taasina ay keenayso xaalad adag oo dhimasho.
- Caabuqa ku samaysmay xumibinta waxa halis u ah in ay samaysanto malax iyo dheecan .
DAAWAYN.
Qabsinka waxa lagu daaweeyaa laba xaaladood :-
- Daawayn in loo sameeyo lasiiyo(antibiotics) hadii uu ka maarmi waayo ama xaaladiisa wax iska bedeli waayan marxalada labaad ayaa loo gudbaya.
- Qalniin(appendectomy) oo xubintii dhamanteed laga jaro.
www.caafimaadka.net