Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xilli roobaadku waa nimco ILAAHAY inoogu deeqay .
Maadama inbadan abaar iyo bayloof badani ay jireen ,dhulka xoolihii ku dhintay ,qashinka ,biyaha uskaga ah iyo dhamaan qashin saarka dadka iyo xayaawanku xilli roobaadka waxa ay dhaliyaan xanuun badan ,
xanuunadaa waxa kamid ah :-
- Xanuunada beerka ku dhaca.
- Daacuunka.
- Xanuunad bacteria yadu ay keento.
- Xumadda tayfoodha(typhoid fever).
- Xanuunada Gaardilambiyada(gardilambia).
XANUUNADA BEERKA KU DHACA.
Xanuunada dhasha xilli roobaadka waxa kamid ah xanuunada beerka ku dhaca ee loo yaqaan (hepatitis A and E).
Labadan xanuun waa labo xanuun oo runtii aad u daran oo saameeya beerka iyo habsami ushaqayntiisa.
Waxaa kaneena fayras(virus) ,waxa ayna kadhashaan qofka oo biyo ama cunto wasakhaysan caba /cuna.
Side lagaga hortagi kara.
- Waxa lagaga hortagi karaah qofka oo biyaha ku darsada biyo sifeeye.
- Biyaha oo la karkariyo.
- Goobta biyaha kuugu jiraan oo nadaafadooda aad ilaalisid.
Calaamadaha lagu garto.
- Huruud indhaha ,faraha hore ee gacmaha iyo afka dhexdiisa.
- Cunto xumo.
- Beerka oo balaadhan.
- Kaadidiisa oo huruud noqota.
- Yalaalugo .
- Mantag.
Xaalada qofka calaamadahan lagu arko waxa muhiim ah si degdeg ah in cusbitaal loo geeyo si xaaladu ayna u cuslaan oo waxlooga qaban kari waayin.
DAACUUNKA.
Waa xanuun kusoo boodo ah qofkana si kadis ah uu iskugu arkayo biyo dareere ah oo xaga danbe ka socda .
Bacteriyada loo yaqaan vibrio cholera ayaa ku samaysa caabuq mindhicirada ibnu aadamka kadib waxa luma nuugitaanka la nuugaay nafaqada iyo cuntada qofkana si toos ah ayey udhaafaysaa sida ugu degdega badan .
Sidee buu ku faafaa xanuunku.
Xanuunku waxa uu ku faafaa qof xanuunka qaba ayaa ku saxaroonaya meel banan ah ama udhow meel biyood biyuhu ay fadhiyaan,roobku marka uu da’o daadka iyo biyaha qulqulaya ayaa soo qaada saxaradii qofka xanuusanyey kadib biyaha iyo dadku waxa ay kusoo daraan halkii biyuhu fadhiyeen .qof caafimaad qaba ayaa biyihii oo ay ku jiraan saxaradii qofka xanuusan cabaya kadib sidaas ayaa uu ku qaataya xanuunka daacuunk.
Calaamadaha xanuunka.
- Shuban biyo leh.
- Mantag.
- Fuuq bax degdeg ah.
XUNDHUR.
Xundhurtu waa caabuq ay keento bacteria yada loo yaqaan dysentery shuban joogto ah waxa kale badanayan in la nuugo nafaqadii mindhicirada dhex socotay iyo qashin saarkii .
Xundhurta waxa isku saacida ilmo aragtay kale duwan sida ameebada iyo shigellada kusoo iyaguna keena xundhurta qaybeheeda kale duwan.
Side ayaa uu ku faafaa xanuunku.
Xanuunka xundhurtu waxa uu ku faafaa qof xanuunka qaba oo saxarooda meel banan kadib meeshaas saaxarada uu dhigay aya waxa soo qaadaya daadii kadib biyihii ama ceelki ayaa uu kuso dara daadku sidaana biyihii oo dhan way wasakhooban qofka caafimaadka qaba caba uuna ku xanuusta.
Sidaas ayaa uu xanuunku ku faafaa.
Calaamadaha xanuunka.
- Saxaro dhiig.
- Dibiro.
- Daaco badan.
- Shuban aad iyo aad ubadan.
- Daaco qudhun.
Side looga hortagi karah:-
waxa lagaga hortagi qofka xanuunka qaba oo loo sameeyo meel god ah oo uu ku saxaroodo si xanuunka fiditaankiisa loo yareeyo.
Qofka xanuunsan si degdeg ah loo geeyo goob caafimaad .
TYPHOID.
Xanuunka tyhoid ama tayfodha waxa sababa bacteria .
Waxa laga qaada nadaafad darrada qofka oo cuna cunto ay kujirto bacteria xanuunka sababaysaa .
Xilli roobaadka xanuunada dilaaca waata ugu horaysa ,tirada dadka ay haysaana waa dad aad iyo aad u tiro badn.
Calaamadaha xanuunka.
- Xumad saa’id ah.
- Margi xanuun.
- Shuban .
- Mantag.
Hadii la daawayn waayoo sida ugu degdega badan waxa dhici kara in bacteria yadu keeni karto in qofku uuku dhaco xanuunka meningitis.
Maxaa lagaga hortagi karah xanuunka.
Xanuunkan waxa lagaga hortagi karah nadaafada guriga ,ta biyaha,cutada iyo qof ahaaneed oo la hagaajiyo.
DUUMADA.
Xanuunka duumada oo ay keento kaneecada teeda dhedig aya keeni kara xanuunkan in uu ku dhaco qofka.
Meelaha biyo fadhiisanka leh ayaa ay dhigtaa beedka si ay heerarka kale duwan ee nolosheeda ugu qaadatoh ,marka ay qaangaadhona ay kasoo baxdaa.
Tusaale ahaan qofka kunool gobalada dhexe ee soomaalia marka uu imaado gobolada waqooyi waxa uu halis ugu jiraa in uu qaado xanuunka sababtuna ay tahay kaneecaada kunool gobolada dhex kuma kenayso xanuun laakin marka uu imaado gobolada waqooyi way ku dhacaysaa.
Calaamadaha xanuunka.
- Qandho aad iyo aad usaraysa.
- Jidh xanuun.
- Dhiig yaraan.
- Dawakh.
- Mantag.
- Yalaalugo.
- Diidid.
Side loo yareeyaa xanuunka duumada.
Waxa loo yarayn karaa xanuunka duumaada biyaha fadhiya oo laga siiddaayo ,goobaha biyo qabatinka leh oo saliid lagu shubo,dadka oo la siiyo maro kaneecooyin,creams ka laga marsado qaniinyada kaneecaa,qofka safarka badan oo qaata ka horta iyo qofka xanuusan oo la daaweeyo.
WWW.CAAFIMAADKA.NET