Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

RAGGA.
Hadii aad tahay nin oo aad jeebkaaga ku qaadatid mobile shidan xaaladaada caafimad ee xubanaha taranka hoos u dhac ayaa ku iman kara.
Sababta ugu weyn ay tahay falaadhaha radiation ka ee mobile ka iyo taawarka.
MOBILE –LADA IYO MADHALAYSNIMADA.
Xubinta taranka ee raga ALLE waxa uu usameyey meel u samaysa biyaha ay kujiraan ugxan sideyaasha .
Mobile ka inta badan jeebka lagu sitaa falaadhaha radiation ku waxa ay saamaynayaan halka biyaha ugxanta ninka lagu sameeyo(tastes).
Jeebka surwaalku waxa uu u dhowyahay labada dhikishood oo lagu sameeyo ugxanta ninka,sida ay usaamaynaysa waxa ay noqonaysaa mobile ka oo furan ,aataynka mobile kaaga iyo taawarka dheer ee magaalooyinka kuyaal si toos ah ayey iskugu xidhan yihiin , isku xidhnaanshiyahaasi waxa uu keenaya in ay ku xidhiidhaan signals ,signals kaasi waxa ay keenaan in ay dhaawacaan dhikishiii samaynaysay ugxanta ninka .
Hadii ay dhaawacanto dhikisha lagu sameeynaayo ugxanta waxa hoos udhaca tirade ugxantaa(sperm)ka ,taasina waxa ay keeni kartaa ma dhalaysnimo.
WAA MAXAY XIDHIIDHKA KA DHEXEEYA RADIATION-KA UU SIIDAAYO MOBILE KU IYO RADIATION-KU?
Mobile ladu masababi karaan kansar?
Mobile ladu way sababi karaan cancer sababtuna ay tahay radiationka dhex marayaa unugyada nool ,bedelayana qaab dhismeedka unuga kadib koritaanku uu badan ama uu yaraan.
MOBILE – KU SIDEE AYAA UU USAAMEEYA QAYBAHA JIDHKA.
Qanjidhada candhuufta sameeya,maskaxda,indhaha kansarka ku dhaca.
Daraasad lasameeyey ayaa cadaynaysa in dadka ugu yaraan isticmaalayey 3 sanno mobile ay halis ugu jiraan kansarada ku dhaca qanjidhka candhuufta sameeya iyo maskaxda.
Sababta ugu badan ay tahay is agdhigidda,ku hadalka badan iyo xilliyada llaseexanayo oo aan la iska fogayn.
MOBILE KU SIDEE AYAA UU USAAMEEYA QAYBAHA JIDHKA EE DUMARKA.
Saamaynta ugu badan ee mobile ku ku hayo dumarka ayaa ah in radiation ku uu saameeyo unugyada sameeyaa caanaha ee naaska ku yaal.
Falaadhaaha dahsoon ee mobile ka iyo taawaradu waxa ay keeni karaan in qaabdhismeedkii iyo shaqadii naaska ee caano samayntu ay isbedesho sababi kartana in naasku uu wenaado,caanaha hooyadu yaraadaan iyo in hooyadu caanoba yeelan waydo.
Falaadhaha mobile ku uu siidaynayo ee dhaawacaya unugyada caanaha sameeya ee naaska hooyad ayaa waxa ku dhici kara kansar .
XAALADAHA KALE AFIMAAD DARRO
Xaaladaha kale ee caafimaad darro oo uu sababi karo mobile ku waxa ay noqon karaan xaalada kansarka .
Xubnayaasha kale duwan ee jidhka sida sanbabada,maskaxda,maqaarka iyo dhuuxa waxa uu ku sababi karaa kansar .
TALLO GUUD….
- Iska fogee mobile ka xiliyada aanad isticmaalayn.
- Mobile kaagu hadii china lagu soo sameeyey hubi in uu ku xidhanyahay ilaaliye(safety) kaa yareeya falaadhaha radiation ka.
- Hadii aad isku aragto xiliga gurig aad joogtid in madax xanuun badan aad dareentid ,gurigana uu kugu xidhanyahay internate ama uu kuu dhowyahay taawar xaaladaadu halis ayey ku jirtaa sababtuna waa falaadhaha radiation .
- Ha isticmaalin hadii mobile kaagu uu ku jiro charge.
- Calaamadaha iyo xanuunada kor kusoo xusnay hadii aad isku aragtid si dhakhso ah dhakhtar ula xidhiidh.