WAA MAXAY XANUUNKA HIV/AIDS?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

HIV waa xanuun dhaliyaha xanuunka ,sidoo kale waa ilmo aragtay  loo yaqaan fayrus(virus).

Fayrus ku waxa uu weeraraa habka difaaca ee jidhka ,waxa uu burburinayaa unugyada dhiiga ee cad cad kuwaas oo shaqadoodu ay tahay  in ayka difaacaan jidhka waxyaabaha dhaawacaya ee soo galaya.

Unugyo loo yaqaan CD4 oo awood u leh in ay la dagaalaman waxyabaha jidhka soo galaya sidoo kale leh meelo uu qabsado fayrasku si uu utarmo ,unugyadaas ayaa uu meesha ka saarayaa kabacdi  qofka awoodiisa hab difaac ayaa  hoos udhacaysa waxa lagayaba qofku in uu iska difaaci kari waayo xanuuno badan sida qaaxada,macaanka iyo oofta.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Yalaalugo joogto ah.
  • Mantag.
  • Caloosha oo aad usocotah(shuban).
  • Miisaanka oo si degdeg ah hoos ugu dhaca.
  • Finan jidhka oo dhan kasoo yaaca.
  • Dildilaac jidhka ah .
  • Qufac joogto ah .
  • Naqaska hawo mareenka oo hoos u  dhaca

MARKA VIRUS KU JIDHKA UU SOO GALO.

Marka  koowaad ee virus ku jidhkaaga waxaa lagu arkaa qofka isaga oo leh calaamadihii durayga.

  • Cuno xanuun,
  • Qufac iyo xumad.
  • Finan kasoo daata jidhka.
  • Madax xanuun.
  • Dhidid habeenkii ah .
  • Miisanka oo hoos udhaca .
  • Kale goysyada  lugaha iyo gacmaha oo xanuuna.
  • Afka iiyo xubnaha taranka  oo dildilaac lagu arkoh,

SIDUU U GUDBAA XANUUNKA HIV/AIDS.

Xanuunku waxa uu ku gudbaa :-

  • qof xanuunka qabah oo lala sameeyo gogol wadaag,
  • hooyada uur kaleh ilmaheeda yar waa ay u gudbinkartaa xanuunka.
  • Hooyo naas-nuujinaysa way  u gudbin kartaa.
  • Wadaagista alaabaha caafimaadka sida qalabka caafimaadka,irbadaha iyo waxyaabaha sahlaya in laba dhiig is taabtaan.

SIDEE LOO BAADHAA XANUUNKA HIV/AIDS.

Baadhid iyo waraysi waa xaaladdaha khaaska ah ee lagu ogaan karoh xanuunkan.,

Shaybaadh yahanadu waxa isticmaalan hab loo yaqaan serological test  iyada oo ku lamaanyihiin  kit atyo yar yar.

Jawaabta waxa aynu k sugaynaa shaybaadh yahanada,

INTEE AYAA UU KUSOO SHAAC BAXAA XANUUNKA HIV/AIDS.

Xaalada soo shaac bixista calaamadaha  duray u eeka aha ama marka uu  virus ku uu jidhk uu soo galo waxa ay qadata 1—-4 wiig.

Xaladaha kale ama marka uu xanuunku uu jiitamo waxa uu qofku sii noolaan karaan sanado dhowr ah.

KA HORTAGGA XANUUNKA.

Xanuunkan waxa lagaga hortagi karaa:-

  • In la daaweeyo qofka xanuunsan.
  • Ha takoorin qofka xanuusan sababtuna waxa ay tahay carinta qofka xanuusan lagu sameeyo  in ay sababi karto in qofku ficil ahaan uu u qaadsiiyo  dadka.
  • Ilmaha yar hadii hooyadii ay qabtoh xanuunka wa in la geeyaa goob caafimaad si talo badan loo siiyo hooyada iyo ilmahaba.
  • Haday gabadhaadu/ninkaagu uu qaboh xanuunka  uma tagaysid.

CAWAAQIB XUMADA XANUUNKA HIV/AIDS.

Maadama hab difaaci jidhku uu hoos u dhacay waxa lasoo darsi kara qofka xanuuno badan.

Sida canbaarta,qaaxada,oofta,xanuunada ku dhaca gidaarada xubnaha taranka iyo  durayga.

XANUUNKA HIV/AIDS DAAWO  MALEEYAHAY?

Xanuunkan aad  iyo aadka u halista badan daawo xaqiiq ah lama hayo wallow sanadadan danbe la sheegayo in talaalkiisi gacanta lagu hayo ilaa hadah dawo lasii isticmaao lma hayo.

Qofka waxa  lasiiya daawooyin calaamadaha lagu baabiinayo ama lagu dajinayo.

Waxa bixiya oo kaliya dhakhtara dawladda.