Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Baruurtu waa awood iyo tamar kaydsan jidhka qofka lagu kaydiyo si uu u isticmaalo xiliyada cunto la’aanta.
Faaiidooyinka kale duwan ee baruurtu waa ay badan yihiin waxaana ka mid ah in ay difaacaan xubnaha muhiimka ah sida wadnaha,sanbebada,kelyaha iyo macdanta,sidoo kale waxa ka mid ah faaiidooyinka ay inoo leedahay in aynu u isticmaalno inaan ka helnoh awood .
Faaiidooyinka waxa ku lamaan faaiido darrada iyo saamaynta ay caafimaadka ay ku haysoh.
Waxa jirah xanuuno badan ay baruurtu sababi kartoh sida wadne xanuunka,inta ay dhiiga raacdo in xidido halbawlo ah xidhi karto,beer subag,cadaadis sanbabada ah ,xiiq badan,dhiikar iyo sonkorowga.
Waxa jira qodobo taageeraya in heerka baruurta jidhku ay saamayn ama dhibaatoo keeni karta ,heerka baruurtana sii kordhin kara hadii la caadaysto in aan la qaban waxa kamid ah:
Jimicsiga:jimicsigu waxa uu qayb laxaadleh uu ka qaataa baruur ridista iyo caafimaadka jidhka.
Dadka dhulkeena soomaaliyeed ku nool marka laga reebo dhalin yarta waxa ku badan jimicsi la’aanta sababtuna ay tahay wahsi iyo qofka oo aan naftiisa caafimaadkeedka aan wakhti siin .
Xanuunada kor kusoo xusnay ee cayilku uu keeno waxa sii badinay jimicsi la’aanta iyo kawar haynta la’aanta naftah.
Jimicsiga kale duwan waxa ay faaiido badan u leeyihiin caafimaadka nafaheena , si aynu u helno nolol caafimaad qabtah waxa muhiim ah jimicsiga inaynu ogaano.
Cunto aan dheeli tirnayn: cuntada dheeliga tirnayn waa cunto dhinac u badan ha noqoto cunto carbohydrate ah sida bariiska ,baastada,canjeerada iyo rootida ,ama cunto protein ah sida kalluunka,beerka,cuntada galka leh sida digirta ,gallayda,hadhuudhka iyo qamandida,ama cunto dux ama subag leh sida hilibka,muqumada iyo subaga noocyadiisa kale duwan.
Cuntada dheeliga tiran waa cunto ka kooban 5 nafaqo oo kale duwan waxa ayna kale yihiin vitamins,minerals,protein,carbohydrate iyo lipids.
Si aad u hesho cunto dheeli tiran waa in 5 qaybood cuntada aad cunaysaa in ay ka koobnaatoh.
Hadabah cayilka siday ku keeni kartaa cuntada aan dheeliga tirnayn,waxa ay ku keeni kartaa tusaale ahaan adiga oo cunto dhinac u badan isticmaala (saddexdaa wakhti ee cunto la cunaba cunah canjeero,bariis iyo baasto ).
Si aad taas uga hortagtid isticmaal cunto dheeli tiran .
TALO WADAAG.
- Maalintii jimicso 1 saac.
- Fadhiga badan ogsoonow in caafimaadkaga aanu uwacnayn.
- Isticmaal kabo sports ah sababtuna ay tahay kabaha adag uma fiicnaha caafimaadka lugaha.
- Ha isticmaalin hadaad cayilantahay surwaal jiimis ah sababtuna waxa ay tahay uma fiicnaha xubnahaaga taranka.
- Cuntada habeenki cun 2 saac ka hor inta aanad seexan .
- Orodku waa habka ugu fudud ee aad baruurta u ridi kartid marka laga imaad jimicsiyada kale duwan.
- Waxa muhiim ah in 6 bilood-ba mar aad eegtid xaalada caafimaadka ee xubnayaasha kamid yihiin wadnaha ,beerka,kelyaha iyo sanbabada .
- Dadka qabah macaan ama dhiikar ee cayilan waxa ay halis u yihiin xanuuno sida wadnaha iyo xubanayaasha kale duwan.