Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xanuunka waraabow waa caabuq lagu kale qaadoh galmoh ,raga iiyo dumarku waa ay u siman yihiin dhibaatada xanuunka .
Xanuunka waraabowgu waxa uu ku imaadaa mid ahaan raga iyo dumarka ayaa qabah xanuunka , waxa uu ugu gudbinayaaa ka kalena galmoh ama dareeraha jidhka oo is gaadha.
Ilmaha yar ee naaska quudanayah waa uu qaadi karaah xanuunka hadii hooyadu ay qabtoh xanuunka.
Xanuunkan waraabowgu waa xanuun bilowgiisa aan lahayn wax calaamado ah laakiin muddoh kadib oo qaadanaysa usbuucyo waxa soo baxayaa calaamadaha xanuunka.
CALAAMADAHA XANUUNKA.
RAGGA.
- Xanuun badan oo la dareemoh marka qofku uu kaadjashayoh.
- Ragga waxa inta badan lagu arkaah dareere dheecan ah oo kasoo baxa xubinta.
- Ragga labadda dhikil mid ayaa bararta xanuun badanna waa ay yeelatah.
DUMARKA
- Dumarka iyaguna waxa kubadanaya dareeraha kasoo baxaya xubinta inta badan dareerahani waxa sababaya waa caabuqa ka jirah xubinta taranka.
- Xanuun badan xilliga lakaadshayoh ,qaraac badan iyo kaar laga dareemo miskaha.
- Xilliga isku tagga oo xananuun badan la dareemoh.
GONNORHEA(waraabow) MASAAMAYN KARAH XUBNAYAASHA U DHOW ?
Xanuunka waraabowgu waa xanuun saamayntiisa leh ,xubnayaasha muhiim ah ee ku hareeraysani waa xubnayaal uu udhaxeeyo oo kaliya xuub ama unugyo yar yar oo xanuunku ka gudbi karoh xubnayaashaas waxa kamid ah:
MALAWADKA.
Malawadku waa halka saxaradu ay soo martoh ogolaadana in ay dibadda u soo baxdo ,xubinta taranka iyo malawadkuna waa labo gidaar oo ay udhaxeeyaan xuubab aad u jilicsan xanuunkuna uu sifudud uga gudbi karoh.
Xaalad kale ayaa jirta oo qofku uu isku gaadhsiin ama iskugu gudbin karoh xanuunka,marka uu qofku istijoonayoh ee uu xubinta taranka maydhayoh xubinta waxa marwalbah kasoo baxayah waa dareere dheecan oo kale ah oo ay ku jirto bakteriyada xanuunka sababtaa ,bakteeriyadu si sahal ah kuma baabayso oo biyuhu ma tirtirayan qofki marka u udhaho saxarada iska dhaq sifudud gacmihisa oo bakteeriyadii kuleh ayuu xubintiii ku dhaqayah gacantiisa ,bakteriyadiina sidaas ayey ku galaysaa malawadka.
Xubnayaasha indhaha iyo cunuha waxa ay ku keeni kartaah saamayn aad u daran marka ay dhiiga raacdoh.
MAXA SABAB AH XANUUNKA GONNORHEA(WARABOWGA).
Waxaa sabab ah bakteeriyada loo yaqaan NESSEIRIA GONNORHEA.
XANUUNKA WARAABOWGA YAA HALIS U AH IN AY QAADAAN.
- Dhalin yartah.
- Qoysaska cusub ee aqalkoodu cusubyahay.
- Qof xanuunka horeh uga bogsaday.
- Qof xanuuno kale oo xubnaha taranka ku dhaca qabah.
- Ilmaha yare e hooyadii qabtoh xanuunka waa u halis in uu qaadoh.
CAWAAQIB XUMADAH XANUUNKA.
- Dumarka waxa uu xanuunku ku sababi karah madhalaysnimo.
- Ragga waxa uu ku sababi karah ma dhalaysnimoh .
- Caabuqu waxa uu u kale gudbi karah dhaman kale goysyada jidhka.
- Xanuunkani waxa uu sahli karaah in qofku sifudud uu ku qaadoh xanuunka HIV/AIDS.
- Ilmaha yar marka uu soo dhalanayoh waxa uu madaxa lasoo marah deegaan caabuqaysan kadib bakteteriyada ayaa indhaha ka gasha sidaasna waxax ay ku sababi kartaa indho la’aan.
MAXAA LAGAGA HORTAGI KARAH.
- Xilliga guurka waxa muhiim ah lamaanayaashu in ay iska eegaan xanuunada lagu kale qaadoh galmada.
- Hala kulmin mataankaaga nolosha hadii uu qaboh xanuunada galmada ku kale gudbah haba kale duwanaadaane.
- Wacyigalintu waxa ay ka qaybqaadataa ka hortagga xanuunada maadamaa xanuunku aad usoo badanayoh wacyigalintu aadbay muhiim ay u tahay.
XANUUNKA GONNORHEA(WARAABOWGA)SIDEE LOO XAQIIJIYAH.
Xanuunka waraabowga waxa lagu xaqiijiya kaadi qofka laga qaado oo lashaybaadho iyo in swap lagu soo xoqoh xubinta taranka kadibna sidaas shaybaadh lagu sameeyo.
DAAWAYN.
Daawaynta xanuunka waraabowga waxa xaqiijinaya oo qorayah dhakhtarka goobta ku sugan oo kaliyaata.
TALO GUUD.
Hadii ad isku aragtid calamadaha xanuunka mid ka mid ah waxa muhiim ah inaad sida ugu degdega badan aad u adid dhakhtar.
Qoyska cusub ee yagleelaya guri iyo nolol si caafimaadkood iskula socdaan waxa muhiim ah in ay is shaybaadhan.
Xanuuno ku dhaca xubnaha taranka hadii aad qabtid waxa muhiim ah inaad isla socotid si aanad ugu nuglaan xanuuno badan oo ku dhaca xubnaha taranka sida HIV/AIDS.