XANUUNKA DUUMADA(MALARIA).

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Cudurka duumadu wuxu ka midyahay cudurada la kale qaado, waxaana gudbisa kaneecada nooceeda dhedig (female Anopheles),Si cudurku u jiro waxaa loo baahanyahy in la helo kaneecadi gudbin lahayd, maadadi cudurka (Plasmodium) iyo qofki marti gelin lahaa.

Kaneeco kasta oo ku qaniinta ma ahan inay cudur wado, nooca labka (male) ee kaneecadu dadka ma qaniino, sidoo kale u jeedka kaneecadu kuu qaniinayso ma ahan inay dhibaato kuu gaysato ee waa inay quudiso ilmaheeda caloosha ugu jiro.

Basmodiyamka kaneecadu qaado Ilaa shan nooc ayaa bini’aadamka cudurka duumada  ku sababa.

Duumadu waxa ay weerartaa oo burburisaa unugyada dhiiga cas (RBC), nooca ugu dhibta badan waxaa Plasmodium Falciparum, noocaan waxa ay burburisaa dhamaan unugyada dhiiga cas haday noqon lahayd kuwa hadda la sameeyay iyo kuwa waaweynba, taasoo si dhakhso ah u sababi karta dhiig la’aan iyo cagaarshow.

Dadka u nugul duumada waa dadka difaacoodu hooseeyo sida hooyada uurka leh iyo ilmaha.

Duumadu nolosheeda qayb waxa ay ku qaadataa kaneecada in ka mid ahna bini’aadamka sidaa daraadeed hadii kaneeco la waayo cudur ma jiro,  hadii qof la waayona cudurki ma suurtoobaayo, hadii kaneecadu waxa ay qaado waydona cudur ma jiro.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Qandho (xumad)
  • Gariir (jagayn)
  • Jir xanuun
  • Dhidid

Calaamada heerka khatarta ah:

  • Miyirka oo doorsooma (impaired consciousness).
  • Cagaarshow (Jaundice).
  • Midabka kaadida oo sida Kooka Koolada noqda (Dark Urine).
  • neeftuur.

SIDEE LAGAGA HORTAGI KARAAH XANUUNKA.

  • Kaneecadu waxa Ay ku kortaa meelaha biyo qabatinka leh sida baraagaha, webiyada, Suuliya (musqulaha), waxa ayna jeceshay biyaha wasakhaysan oo ay quudataa, sidaa daraadeed waa in biyo lagu daraa wax jeermiska kadila sida kalooriin, suuliyada in lagu shubo wax oksijinka (oxygen) ka joojiya sida naafto ama saliid.
  • Gurigaada iyo meelaha u dhow ha u ogolaan inay biyo fariistaan taasoo u sahli karta kaneecadu inay kunoolaato.
  • Caagadaha biyaha laga cabo waxaa haboon in laga dhameeyo biyaha ama aad ka qubto.
  • In la buufiyo guriyo gudihiis.
  • In la buufiyo dhaman xaafadaha magaalada.
  • In la xirto maro kaneeca daawaysan.
  • In la qaato daawooyin laga hortegi karo kaneecada.
  • In qofka ay kaneeco ku dhacdo isaga loo xiro maro kaneeco si dadka kale looga ilaaliyo.
  • Dadka u safraaya meelo duumo ka jirto waa inay qaataan daawada Fansidar ka hortag ahaan.
  • Hooyada uurka leh waa in la siiyaa daawada Fansidar ka hortag ahaan.

MAXAA LAGU OGAAN KARAAH QALAB?

  1. RDT: waa nooca baaritaan ee badanaa la isticmaalo sifududna loo isticmaali karo khibrad baddana uma baahna, goobta kasta oo caafimaad waa laga helaa.

Laakin dhibkeedu waxaa weeyeh waxay sheegta marki xaddiga duumada dhiigu uu gaaro ilaa 100 xabo.

Dhibtiisa kale waxaa weeyeh hadii qof la daweeyo mudo 30 cisho ah wuxu muujinaa inuu cudurki jiro, taas oo keeni karta qofki aan aqoon inuu mar labaad daawo siiyo qofki.

Sidoo kale ma kala saaro nooca duumada qofku qabo, taas oo keeni karta inaan daawadi ku haboonayd qofka la siin.

DAAWAYN.

daawayntu waa habka ugu fudud ee loo yarayn karo dhibaatooyinka xanuunka iyo in xanuunku uu kusii fido dhamaan jidhka.

waxa go’aaminaya dhakhtar ama daawo yaqaan .