Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Daawada amoxicillin waa mid ka mid ah daawooyinka loo isticmaalo in lagu daaweeyo caabuqa ay keento ilmo aragtayda aadka u yar yar ee BACTERIA.
waxa laga soo maanguuriyey ambasalin(ampicillin).
dawadan waxa aad loogu isticmaala caabuqa ku dhasha dhagaha,cunaha,maqaarka,kaadi-haysta iyo oofta.
DAAWADA AMOXICILLIIN SIDEE AYEY USHAQAYSAA.
ilmo aragtyda bakteriyada waxa ay samaysaa koritaan 20 MINUTE waxa ay dhasha 2 BAKTERIYA,SAACADDI 8 BAKTERIYA ayaa dhalanaysa .
daawadu waxa ay samaynaysaa bakteriyada ayaa ay dilaysaa kana takhaluusaysaa.
qofku hadii uu qaadan waayo sida ugu fiican oo uu dhamaysan waayo waxa ay keenaysaa in bakteeriyadii sifiican aan loo dilin ,daawadiina ay khasaarto faaiidona yeelan waydo.
SIDEE AYAA LOO ISTICMAALAA
saddex qaybood ayaa jirah oo loo isticmaalo :-
A) muditaan(injection)
B)kiniin(tablet).
C)midka kale furma(capsule).
daawadan waxa aad isticmaali kartaa wakhtiga aad qaadato ,wakhtigiisa ,tusaale ahaan hadii aad qaadatay 7 subaxnimo waxa aad qaadanaysaa 7 habeenimo .
hadii aad isticmaalaysid CAPSULE,ha kale furin sababtoo ah kale furitaanku waxa uu dhibaato leeyahay daawada oo sifiican u gaadhin halkii loogu talo galay ,waxa ay ku hadh-hadhaysaa afka iyo cunaha.
muhiimada ugu weyn ee loogu sameeyey galka waxa weeyi ,in ay ilaaliso daawada halka loogu talo galay marka ay gaadho ay kale furanto daawadiina ay si fudud u soo baaxdo.
yeyna laydhsan dawaadu ,ha isku xigto marka ad furto iyo liqidda daawadu .
isticmaal biyo badan .
CAWAAQIB XUMADA DAAWADA.
hadii daawada uu dhakhtarku uu ku qoray aad ka badsatid intii laguugu talo galay maxaa ka dhalan kara:-
- mantag iyo yalaalugo.
- isnidaamis(cun-cun).
- neef tuur degdeg ah.
- hadii uu qofku uu daawada sifiican uu u qaadan waayo xanuunku uu kusii badanayah.
KA TAXADIR INTA AADAN QAADAN DAAWADA QODOBADAN !!!!
usheeg dhakhtarka hadii aad leedahay xanuunadan sababtoo ah daawada amoxillin lalama qaadan karoh:-
- hadii aad leedahay beer xanuun.
- hadii aad qabtid xanuuno uu keeno fayrus(virus).
- hadii aad qaadato talaalka xanuunka tayfoodha(typhoid).
- hadii aad leedahay xanuunada kale duwan ee kelyaha ku dhaca.
- hadii aad isnidaamis ama cun-cun ku leedahay daawada.
DAAWADA AMOXICILLIN DAAWOOYINKEE AYAAN LALA ISTICMAALI KARIN.
hadii aad qaadato daawada amoxicillin waxa jira laba daawo oo aan lala qaadan marka la isticmaalayo:-
- daawo dhaqameed.
- daawooyinka lagu yareeyo dhalmada.
HADII AAD ISTICMAASHO XADDI BADAN OO DAAWADA AMOXICLLIN MAXAAD ISKU ARKI KARTAA?
hadii aad isticmaashid daawada amoxicillin waxa aad isku arki kartaa neef tuur degdeg ah .
TALO GUUD.
daawada amoxillin waxa ay ubaahantahay ilaalin ,joogtayn iyo xafidid .
wakhtiga daawada oo aad sifiican u qaadatid ama ilmaha yar u siisid ,u ilaali wakhtiga aad siisay inaad wakhtiisa kale siisid.
isticmaal cunto dheeli-tiran .