Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xanuunka gout-ku waxa xanuun ka yimaada cawaaqib xumada xanuunka romatiisamka .
Xanuunka gout-ku waxa uu caan ku yahay ,kale goys xanuun,barar ,cassaan, kaar aad u daran iyo degenaan shiyo la’aan laga dareemo kale goysyada.
Xanuunka gout ka habeenki qofka maadaama heerka sonkortiisu ay sarayso waxa kordhaya maadada sababaysa xanuunka goate ,maadadan oo ku badanaysa kale goys-yada jidhka sida miskaha,laalaabatooyinka jidhka iyo faraha hore iyada o sababi kkarta in ay soo ururaan .
CALAAMADAHA XANUUNKA.
- Kale goysyada jidhka oo aad u xanuuna.
- Degenaanshiyo la’aan.
- Caabuq ku dhaca kale goysyada.
- Qofka oo yareeya socodka sababtuna ay tahay waxa badanaya xaxanuunka kale goysyada ku dhacayah.
MAXAA SABABA XANUUNKA GOUT-KA.
Xanuunka gout-ka waxa sababa maado loo yaqaan uric acid oo heerkeedu aad ugu batoh dhiigga,maadada uric acid waxa ay ka timaada maado kale oo loo yaqaan purine taas oo inta badan laga helo cuntooyinkaan cunoh ,purine waxa ay kasoo samaysanta burburinta iyo samaysanka qashin saarka kelyuhu ay sameeyaa sida nitrogenous wast product iyo urate, oo ka samaysma qashin saarka kelyuhu ay sameeyaan waxyaabaha aynu is ticmaalno iyo waxyaabaha jidhku iska qashin saarayoh.
Xaddi aad u yar oo uric acid ah ayaa la saarayah ,xaddi ad u badan ayaa dhiiga ku hadhayah,dhiiguna waka aadaya meelo badan oo jidhka ah kale goysyadu ay ku jiraan ama laalaabatooyinku.
YAA HALIS U AH XANUUNKA GOUT-KA.
Dadka aad ka u isticmaala :-
- Hilibka cas .
- Sonkorta.
Iyo qofka hilibka leh ama miisaankiisu aad u weynyahay.
- Dadka aan macaanka iyo dhiikarka aan daawo u qaadan ,xanuunkana qabah.
- Xanuunka roomatiisamka hadii aad qabtid halis ayaad ugu jirtaa la tasho dhakhtar.
- Hadii aad leedahay macaan iyo dhiikar control .
CAWAAQIB XUMADA XANUUNKA GOUT-KA.
- Burbur ku imaadaha kale gooysyada lafuhu iskugu imaadan.
- Kuus kuus ku imadah maqaarka hoostiisa aad iyo aad ayey u xanuun kulul yihiin.
- Kelyaha oo dhagaxaan fadhiistaan.
KA HORTAGGA XANUUNKA.
- cab biyo badan .
- hadii aad calaamadaha korku xusan aad isku aragtid fadlan dhakhtar la xidhiidh.
- Yareeh cunidda hilibka cas,cuntada baddah iyo ta shinbaraha sida digaaga.
- Caanaha subagu uu ku badan yahay uma fiicnaha caafimaadka.
- Isticmaal protein ku yaryihiin baruur ama duxdu.
MALA KALE DHAXLI KARAH XANUUNKA.
Xanuunka gout-ka haa waa la kale dhaxli karah.
BAADHITAAN.
- Kale goysyada lafuhu iskaga imaadan oo laga qaado in yar si loo shaybadho.
- Dhiiga oo la baadho in caabuqu uu jiro .
- Sawir x-ray.
DAAWAYN.
Daawaynta waxa qori kara oo kaliyaata dhakhtar .
- Xanuun baabiyeyaal.
- Daawooyinka yareeya caabuqa ku dhaca kale goysyada.
- Daawooyink yaree maada xanuunka sababta ee loo yaqaan uric acid.
TALO-GUUD.
- Hadii aad qabtid xanuunka gout ama adiga oo romatisam leh aad isku arag to faraha iyo lugaha oo kusoo koga,jidhka maqaarka hoostiisa oo aad ku aragto kuus-kuus aad u xanuun badan ,waxa dhici karta inaad xanuunka gout-ka aad qabtid si degdeg ah-na loogu baahan yahay inaad dhakhtar boqatid.
- Hadii aad qabtid xanuunka romatisamka fadlan yaree:-
- Heerka sonkortaa aad isticmaalaysid.
- Heerka subaga aad isticmaalaysid.
La tasho dhakhtarkaaga gaarka ah mar walbah ,xanuunku waa xanuun aad u halis badan waxa uu awood u leeyahay in meeshaba uu ka saaro halka lafuhu iskugu imaadaan ama kale goysyada.
Hadii heerkaaga sonkortu aad ukacsantahay waxad dareemi doontaa xanuun badan iyo adimada oo kusoo urura .
Dhakhtarkaagu waa in uu ku siiyaa talooyin aad ubadan oo xaga cuntada aad qaadanaysid ah.