Cunnada lagu sumoobo: Gargaarka degdegga ah.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Cunnooyinka oo dhan waxaa si dabiici ah looga helaa tira yar oo bagteeriya ah. Laakin hadii aan cunnada loo maareynin ama loo keydinin si wanaagsan waxaa ka dhalan kara bagteeriya badan oo six xad dhaaf ah ugu dhalata cunnada. Ku dulnoole, fayrus, sun iyo kiimikooyinka waxey sidoo kale wasakheyn karaan cunnada kedibna qofka cuna waxey ku sababi karaan xanuunno.

Calaamadaha iyo astaamaha lagu garto in cunnada aad ku sumowday waxey u kala duwan yihiin sida ilaha wasakhda ay ukala duwan yihiin. Iyo in jirkaaga uu fuuqbaxsan yahay ama cadaadiska dhiigaaga uu hooseeyo. Astaamaha guud waxaa kamid ah:

Hadii jirkaaga uu si daran uu fuuqbaxsan yahay waxaa laga yaabaa inaad dareentid:

  • Madax wareer ama inaad suuxi rabtid gaar ahaan marka aad taagan tahay
  • Daal
  • Midabka kaadida oo madow noqda
  • Kaadida oo yaraato
  • Haraad badan

Xanuunka yimaado cunnada marka lacuna kedib waxey ku xiran tahay il-maragtada, tirada il-maragtada, da’daada, iyo caafimaadkaaga guud. Dadka halista ugu jira waxaa kamid ah:

  • Dadka da’da ah. Difaaca jirka qofka da’da ah waa mid aan si dhaqsa ah uga jawaab celinin waxyaabaha xanuunada sababa
  • Dhallaanka iyo caruurta yaryar. Difaacooda jirka ma ahan mid dhameystiran
  • Dadka lanool xanuunada raaga. Xanuunada sida AIDS ka iyo Sonkoroowga, ama dadka lagu daweeynaya dawooyinka kansarada.
  • Dumarka uurka lehUurku wuxuu isbedel ku sameeyaa difaaca jirka qofka

Hadii aad kusumowdid cunnada:

  • Kabo biyo si aad uga hortagtid in jirkaaga uu fuuqbaxo. Hadii aad biyaha si dhaqsa ah u cabtid waxay kaga sii dari karaan lalabada aad dareemeysid. Sidaa darteed si aayar ah u cab biyaha
  • Ka fakar kaadidaada. U kuur gal in heerka iyo midabka kaadida ay tahay sidi caadiga aheyd, hadii ay yaraato ama midabka uu kabadalmo waxaa suurta gal ah inaad fuuqbaxsan tahay.
  • Haqaadanin dawooyinka loogu talo galay in shubanka looga hortago. Sababtoo ah waxaa laga yaabaa iney gaabiyaan saaridda il-maragtada sababta suntaan.

Dhallaanka iyo caruurta lama siiyo dawooyinka shubanka kahortaga sababtoo ah waxaa ka dhalan kara saameyn badan oo aan u wanaagsaneyn.

Laxiriir dhaqtar hadii:

  • Aad matageysid in kabadan 2 maalmood
  • Shubanka uu joogo maalmo
  • Shubanka uu yeesho dhiig ama uu midabkiisa noqdo madow
  • Qandhada/xummada ay kor u dhaafeyso 38.3 C
  • Aad dareemeysid wareer marka aad taagan tahay
  • Calool xanuun daran uu ku haayo

Raadi gargaarka degdegga ah hadii:

  • Astaamaha ay daran yihiin, sida calool xanuun daran, shuban biyo ah oo dhiig yeelano 24 saacadood gudahood
  • Aad tahay dadka halista u leh
  • Aad kashakisan tahay sunta loo yaqaano botulism. Botulism waa sun halis ah oo laga helo cunnooyinka qaar ee gasaceysan. Astaamaha suntaan botulism waxay kusoo baxaan inta u dhexeysa 12 ilaa 36 saacadood marka cunno wasakheysan la cuno. Waxaana kamid ah astaamaha madax xanuun, araga oo xumaada, murqaha oo daciif noqda iyo baralaato. Dadka qaar waxey dareemaan lalabo iyo matag, calool fadhi, afka oo qalleyl noqda, neefta oo dhibta iyo kaadida oo qofka xejisto. Astaamaha kore oo dhan waa kuwo u baahan gargaar caafimaad oo degdeg aha.
Image result for food poisoning