Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xulbadu (fenugreek) waa dhir-daweed waxtar badan waxaa ka buuxo borotiin waxayna leedahay faaido nafaqo oo aad balaaran.
1-kii qaado ama malqacad oo xulbad ah waxaa ku jira nafaqooyinkan:
- 35.5 oo kaloori ah
- 6.4 garaam oo kaarbohaydareed ah
- 2.5 garaam oo borotiin ah
- 0.7 garaam oo dufan ah
- 2.7 garaam oo fiber ah
- 3.7 miliigaraam oo bir ah
- 21 miligaraam oo macdanta magnesium ah
- 32.6 miligaraam oo foosforas ah
- 0.1 miligraam faytamiin B6 ah.
Faa’iidooyinka Caafimaad ee Xulbada.
- -Xulbadu waxay caawiisaa dhibaatooyinka dheefshiidka sida calool fadhiga iyo calool xanuunka.
- -Xulbada waxaa ku jira maaddooyin si weyn ula dagaalama caabuqa, sidaa awgeed waxa ay si aad ah u yaraysaa caburka iyo san xiranka sidoo kale xulbaddu waxa ay soo nadiifisaa gudaha hore ee dulka sanka, waxa aanay sideedaba u yaraysaa malaxda badan ee dulka ku abuurmaysa..
- Xulbada waxaa lagu daaweeyaa qumanka qumanka.
- Xulbadu waxay hagaajisaa shaqada iyo rabitaanka galmada ee ragga.
- Xulbada waxaa lagu daaweeya nabraha ku samaysma dadka sonkorta qabo.
- Xulbada waxay korisaa timaha, Sidoo kale waxayna ka ilaalisaa burburka iyo go’idda.
- Faaidooyinka saliida xulbadu ay leedahay waxaa ka mid ah in hooyada naaska nuujiso ay caano badan u keento, haweenka caadada ku xanuunsadane in ay ka khafiifiso oo si sahlan uga timaado.
- Xulbadu waxay faaido fiican u leedahay gabdhaha caatada xilliga qaangaarka maadaama ay sare u qaaddo hormoonada jirkooda ku jiro waxayna furtaa abitaytka.