Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Sanboor waa nooc kamid ah xasaasiyadaha, waxaa sababo xasaasiyad kiciye aan inta badan dhib u laheyn jirka. Sanboorku waa falcelin aan caadi ahyn oo uu jirka la sameeyo walxa aan dhibaato u kuhayn jirka. Manka ayaa ah xasaasiyad kiciyaha ugu badan ee sababo samboorka.
Maxaa sababa sanboor?
Marka jirkaaga uu la sameeya xiriir xasaasiyad kiciye, jirku wuxuu soo daayaa maado la yiraahdo histamine oo ah kiimiko kamid ah kuwa difaaca jirka uu isticmaalo, kiimikadaan waxay sababeysaa astaamaha sanboorka lagu garto.
Xasaasiyad kiciyaasha waxaa kamid ah:
- Cowska
- Busta
- Dhogorta xoolaha
- Calyada bisadda
- Caaryada
Inta lagu guda jiro xilliyada qaar ee sanadka, waxaa laga yaabaa in uu bato sanboorka, sida xiliga qaboobaha iyo guga.
Astaamaha samboorka
Astaamaha iyo calamaadaha caanka ah ee lagu yaqaano sanboorka waxaa ka mid ah
- Hindhiso
- San xiran
- San dareer
- San cuncun
- Qufac
- Cunno cuncun
- Indho cuncun
- Ilin dareer
- Madax xanuun badan
- Daal
Inta badan waxaa la dareema kuwo kamid ah astaamaha kor ku xusan isla marka uu jirka la kulmo xasaasiyad kiciyaal. Calaamadaha qaar sida madax xanuun soo noqnoqda ama daal waxaa la dareemaa marka uu jirka marar badan la kulmo xasaasiyad kicye. Qandho ma ahan astaan lala xiriiriyo samboorka.
La hadal dhaqtar hadii astaamaha samboorka aysan hagaagin todobaadyo gudahood.
Halista in samboor uu yimaado
Xasaasiyad waxey saameyn kartaa qof walbo, hasa yeeshee waxaa unugul inuu ku dhaco qof tolkiisu ay qabaan xasaasiyado.
Waxyaabaha kale ee kicin kara ama kaaga dari kara samboorka waxaa ka mid ah:
- Sigaar cabid
- Kiimikooyinka qaar
- Jawiga qabow
- Huur
- Dabeyl
- Hawo wasakheysan
- Barafuuno
- Catarro
Dawooyinka samboorka
Waxaa loo daweeyaa qaabab kala duwan sida
- Dawooyinka loo yaqaano antihistamin
- Dawooyinka fura sanka
- Dawooyinka lagu buufiyo sanka
FG: fadlan la tasho dhaqtar inta aadan bilaabin qaadashada dawo.
Sidee looga hortagaa xasaasiyadaha?
Sida ugu wanaagsan ee looga hortago iney soo baxaan astaamaha xasaasiyada waa inaad maareysaa inta uu san jirkaaga u jawaab celinin six un.