Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Waa caabuq uu dhaliyo ilmo aragtayga virus,kaas oo sabab’a caabuq ku dhaca beerka.
Joonis cassuhu waxa uu ku faafaa xilliga uu dhiiggu wasakhoobo oo uu ku bato ilmo aragtayga virus-ka.
Dad badan baa xanuunkan qabah oo sida ,sababtoo ah xanuunka calaamadihiisa hore uma soo ifbaxaan ,hadii xanuunku uu ka batoh hal bil waxa loo yaqaan xaalad soo jiidantay(chronic).
Xanuunkan waq-tigan aad iyo aad ayuu ugu soo batay dadka dunida sababtaas ayaa loo yidhi xanuunkan qof walbaa waa u halis.
CALAAMADAHA XANUUNKA.
Xanuunka joonis cassuhu waa xanuun aad iyo aad u halis badan ,kaas oo is qariyaa micnuhuna ay tahay waxa hore usoo ifbixin calaamadaha xanuunka.
Calaamadaha xanuunka waxa ka mid ah:-
- Dhiig badan oo si sahal ah qofka uga socda .
- Dawakhaad.
- Cunto-xumo.
- Jidhka iyo indhaha oo huruud noqd.
- Dhiig madow oo kaadida ah.
- Uurku jirta oo kuusnaata .
- Barar lugaha ah.
- Miisaanka oo hoos u dhaca.
- Garasho aan sax ahayn.
MAXAA SABABA XANUUNKA.
Xanuunka waxa sababa ilmo aragtay ah fayras(virus) .
YAA HALIS UGU JIRAH XANUUNKA.
Xanuunka joonis cassaha aynu u naqaan waxa halis ugu jirah qof qaba xanuunka HIV/AIDS,hooyada uurka leh,qofka dhiig lagu shubayo ,qof qabah xanuunka joonis caddaha iyo qof walbah oo leh xanuunada ku dhaca beerka.
CAWAAQIB XUMADA KA DHALATA XANUUNKA.
Xanuunkan marka uu qofka uu ku raago waxa ka dhalan karta ,kansarka beerka ku dhaca iyo shaqada beerka oo istaagta.
MAXAA LAGAGA HORTAGI KARAH.
Xanuunka waxa laga hortagi karaah qofka oo is baadha dhowrkii bilood-ba mar,hala isticmaalin cidnaha tuwaal,cadday,ciddiyo-gur,garfeedh iyo qalabka caafimaadka oo dhan waxa halis galinayaan caafimaadka.
Hadii lamaanaha mid uu qaboh xanuunka waa in aad adnah iska baadha si aad u ogaato in aad qabtid iyo inkale.
DAAWAYN.
Daawaynta waxa samaynaya dhakhtarka goob caafimaad fadhiya.
Talaalka xanuunku waa muhiim hadii la helayo .