XANUUNADA FUNGUS KU KEENO YAA U HALIS AH?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Fungus-ku waa ilmo aragtay  kunool degaanka iyo noolaha dushiisaba.

Xanuunada kale duwan ee uu sababo ilmo aragtay fungus ku waxa ay dhaawacan oo ku faafaan dhaman waxyaaha iyo habdhisyada muhiim ka ah ee jidhka sida maqaarka,maskaxda ,uurku jirta ,xubnaha taranka iyo habdhiska hawo mareenka.

Maqaalkan kooban waxa aynu eegi doonaah yaa halis ugu jira xanuunada uu keeno fungus-ku ?

  1. Dadka macaanka leh.
  2. Dadka dhiikar-ka qaba.
  3. Dadka kelyaha loo bedelo.
  4. Dadka lagu dhaadhiciyo tuunbada hawada .
  5. Dadka irbadaha xididka ka qaata.
  6. Hooyada uur-ka leh.
  7. Dadka is cadeeya.
  8. Dadka isticmaala daawooyinka antibaayooytikga.
  9. Dadka qaba xanuunka kansarka.
  10. Dadka uu ku dhacay xanuunada habka difaaca la xidhiidha .
  11. Dadka kelyaha loo sifeeyo.
  12. Dadka waaweyn .
  13. Caruurta yar yar.

Dhamantood habkooda difaac oo hoose awgii waxa ay u nugul yihiin in uu asiibo xanuunada kale duwan ee uu keeno ilmo aragtyga fungus.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • Muuqaalka halka uu xanuunku ku dhaco way adkaata.
  • Googo’o.
  • Cun-cun.
  • Cassaan.
  • Faafitaan uu sii kordhaayo.

KA HORTAG .

  • Nadaafad joogto ah.
  • Hadii uu qof xaafada uu qaboh in dharkiisa iyo hugiisaba gooni loo dhigo loona dhaqo si aanu dadka kale u qaadsiin.
  • Daawada oo  hore loogu bilaabo qofka xanuunka qaba.

OGSOONOW!!!!!.

HADII AAD KU ARAGTO CALAAMADO KHATAR AH QOFKUNA LEEYAHAY CANBAAR OO UU COMA GALAY SI DEGDEG AH DHAKHTAR U GEEH .

HADII UU LEEYAHAY XANUUNADA KOR KUSOO XUSNAY SIDA MACAAN OO AAD KU ARAGTO CANBAAR WAA INAAD DHAKHTAR HORE UGU GAYSAH.

DAAWEYN.

Daawaynta waxa qori kara dawo-yaqaan ama dhakhtar .

 Waxa muhiim ah in qofka loo sheego inta uu daawada marsanayo ama qadanayo in uu si joogto ah u qatoh.