Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xanuunka athletes foot waa mid ka mid ah xanuunada ku dhaca maqaarka.
Xanuunka athletes foot waa xanuun ku dhaca lugaha ,qaybta baabacada iyo halka dhulka la dhigo ee lugta.
Xanuunkan waxa sabab ah ilmo aragtay loo yaqaan fungus .
Fungus ka keena xanuunka waxa laga helaa meelaha diiran,ciidda iyo biyaha.
Kabo la’aanta,nadaafad darrada iyo difaaca qofka oo hooseeya waa waxyaabaha nugleeya xanuunka in uu qofka uu kudhaco.
Caruurta yar yar waa uu ku badan yahay xanuunkan lugaha ku dhacaya waxa aanu samaynaya sidii safanka .
Way adagtahay in dadku kale saran safanka iyo xanuunkan.
Safanku waxa uu ku koobanyahay hareeraha lugaha ,se xanuunkan athletes foot waxa uu dheeryahay waxa uu wada gaadhaya faraha ,suulasha iyo baabacada .
Hadii aad aragtid qof xanuunkan qaba ama se lugahaaga aad ku aragtid ha taaban ,hadii aad taabatid waxa dhici kara in ilmo aragtaydu uu kusoo raaco kadib meel kale marka jidhkaaga aad taabatid uu halkaana uu saameeyo.
Ka xidho gloves ama gacmo galis ,kadib aad dhakhtarka maqaarka.
CALAAMADAHA XANUUNKA.
- Cun-cun lugaha ah.
- Cassaan .
- Qolof adag
- Cad-caddaan.
- Xanuun.
MAXAA SABAB AH ?
Xanuunka athletes foot waxa sabab ah saddex fungus:-
- Trichophyton.
- Epidemophyton.
- Microspores.
KA HORTAGGA XANUUNKA.
- Xidho kabo aan cidhiidhi ahayn ,sababtoo ah kabaha xidhiidhiga ah waxa ay kordhinyan dhidid badan hadii meesha kulayl badan iyo dhidid uu imadana nadaafad darro ayaa ka dhalanaysa.
- Nadaafadda lugaha oo la hagaajiyo ,in la maydho sharabaadada xilli walba oo la bixiyo.
- Ciddiyaha jar oo gaagaabi .
CAWAQIB XUMADA KA DHALATA XANUUNKA HADII QOFKU ISKA DAAWAYN WAAYO.
- In uu qofku si sahal ka uu ku qaadi karo caabuq dhiiga raaca.
- Caabuqa ku dhaca lakabyada nool iyo lakabka baruurta ee maqaarkeena.
- Hadii la daawayn waayo ama lagu joojin wayo cabuqu halka uu ku jooga waxa dhici karta in caabuqu ama fungus ku uu ku faafo dhaman ciddiyaha iyo jidhkaba.
DAD INTEE LEEG AYAA UU KU DHACAA XANUUNKAN.
iyada oo loo eegaayo tirade boqolayda xanuunka waxa la gaadhsiiyaa ilaa 15% .
DAAWAYN.
Xanuunkan daawayntiisa iyo talo bixintiisa waxa goaankeeda leh dhakhtarka.