Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Xanuunka toxoplasmosis waa cudur ka dhasha infekshen dhaliyaha toxoplasma gondi .
Caabuqu inta badan waxa uu ku dhashaa cunidda cunto aan sifiican loo Karin iyo udhawaanshiyaha meelaha bisaduhu ku badan yihiin,taas oo sahlaysa isku dhawaanshiyaha cuntada iyo weelka oo bisaduhu sifudud u quuadan karaan hadhaaga cuntada hadhow marka mid kale loogu ridayoo aan biyo kulul iyo aan sifiican loo maydhayn.
Meelaha ugu badna ee laga qaadi karo xanuunka waxa ka mid ah huuteelada cuntada ,bisaduhu waxa ay u joogan si xadka dhaafsiisan ,qofka marka uu ka kaco cuntada hadhaga bisadii si fudud ayey miiska ugu soo boodaysa cuntadiina way leefleefaysa jidhkeeduna sifudud ayuu xidhiidh ula yeelanaya weelka cuntadu ku jirtay,taas waxa ay kordhinaysa in bacteria yadu weelka si dhib yar ku gaadhi karto .
Calaamadaha ugu badan waxa ay xanuunkan wajahaan durayga.
Hooyada uurka leh waa ay ugudbinaysaa ilmaha uurka ku jira.
CALAAMADAHA XANUUNKA. · Xanuun baahsan jidhka oo dhan . · Xanuun saa’id ah oo uurku ku jirta. · Barar qanjaha jidhka. · Xumad. · Madax xanuun. · Yalaalugo. Dadka ka qaba xanuunka HIV/AIDS waxa u raacaa · Madax-xanuun. · Dawakhaad. · Gariir.
MAXAA SABABA . · Waxa sababa ilmo aragtay loo yaqaan toxoplasma gondii. · Cunto aan nadiif ah ahayn oo wasakhaysan. · Caano aan la karkarin. · Khudaarta bisil oo la maydhin. YAA U HALIS AH? · Hadii difaaca jidhkaagu uu hooseeyo. · Dadka hotel lada wax ka cuna. · Hadii aad qaadatid dawooyinka hoos udhiga caabuqa.
CAWAAQIB XUMADA KA DHALATA XANUUNKA. Caabuq jidhka oo dhan ah. Ilmaha yar ee hooyadu u gudbisay waxa ay ku sababi kartaa . Caabuq ,indho la’aan iyo xaalado aad u daran oo caafimaad darro. KA HORTAG. · Hadii aad beer fale aad tahay xidho gacmo galish(glves). · Ha cunin cunto aan sifiican loo Karin. · Ha cunin cunto aan sifiican loo maydhin(cuntooyinka bisil). · Nadaafada mabdakha ku dedaal. · Ha cabin caano aan la karkarin. · Hadii aad isku aragto calaamadaha si degdeg ah u aad dhakhtar. BAADHIS. Shaybaadh ayaa loo dirayaa. DAAWEYN. Dhakhtar ayaa qori markaa uu xaalada qiimeeeyo. PYRIMEHAMINE. SULFACHAZINE. HA ISTICAAMALIN DAAWO AAN DHAKHTAR KUU QORIN ,XANUUNO HALIS AH AYEY KUUSI KODHIN KARTAA DAAWADAAD QAADATAY.