SHAQADA XAD DHAAFKA AH EE KU TIMAADA QANJIDHKA THYRIOD KU SAAMAYN CAAFIMAAD DARRO MA SABABI KARTAA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

shaqada uu inoo qabto qanjidhka thyroid waa xaalad saamaysa dhaman jidhka hab shaqayntiisa.

Qanjidhka thyroid waxa uu u egyahay sida ballan baalista  ,waxa uu ku yaalaa qoorta  doobta hoosteeda ,labada koorne ayaa  uu kaga yaalaa,waxa isku xidha biriij yar oo loo yaqaan(isthmus).

Shaqada uu inoo qabto  qanjidhkan in waxa uu isku dheeli tira dhaman shaqooyinka ka dhex socda jidhka.

Haday noqoto shaqada wadnaha,beerka,maskaxda , kelyaha iyo dhaman  shaqooyinka jidhka.

Qanjidhka thyroid waxa uu soo daayaa  walxo kiimikooyin oo loo yaqaan THYROXINE,TRIIOTHYROXINE  IYO CALCITONINE.

 Shaqada ku imanaysa ee xaalada caafimaad darro sababysa waxa ay ka imanaysaa  soo saaridd  badan  oo hormones kan ah .

Thyroxine.

Maadada thyroxine waxa ay door muhiim ah ay ka qaadataa habsami ushaqaynta wadnaha , dheefshiidka,wdnaha ,lafaha iyo xakamaynta murqaha.

Taas micnahadu hadii ay badato ama ay yaraato  waxa ay saamaynaysaa dhaman shaqooyinkaa  ay jidhka u qabanayso ,taasina waxa ay keenaysaa in qofkii xaalad caafimaad darro ay lasoo gudboonaato.

THRIIODOTHYRIOXINE .

Maadada triiodothyrioxine waxa ay door muhiim ah iyaduna ka qaadata habsami ushaqaynta koritaanka iyo tadawurka jidhka,heerkulka jidhka iyo shaqada wadnaha.

Hadii ay badato iyo hadii ay hoos udhacdo waxa ay keeni kartaa xaalad caafimaad darro .

CALCITONINE.

Maadadan waxa ay doorm muhiim ah ka qaadataa isku dheeli tirka  macdanaha calcium  iyo phosphote ee xadiga dhiiga kaga jirta.

CALAAMADO NOOCEE AH AYAA LAGU ARKI KARAA QOFKA HADII SHAQADA THYRIOD KU INTII CAADIGA AHAYD AY KA BADATO?

  • Miisaanka oo hoos u dhaca.
  • Qaraaca wadnaha oo batta.
  • Abateedka oo kordha.
  • Degenaanshiyo la’aan.
  • Dhidid.
  • Dawakhad.
  • Hurdada oo qofka ku adkaata in uu seexdo.
  • Indhaha oo qofka soo baxa.
  • Indho qalalsan.

MAXA SABAB AH?

  • Kansar ku dhaca qanjidhka.
  • Caabuq  ku dhaca qanjidhka .
  • Habka difaaca oo burburiya ama dhaawaca  qanjidhka isaga oo u arkaaya wax jidhka dibadda uga imid.

YAA U HALIS AH.

  • Marka la eego raga iyo dumarka ,dumarka ayaa u halis badan  madama xaalado badan ay wajahaan oo nolosha ah.
  • Hadii uu jiro qof reerka ah oo xanuunka qaba ,waxa halis ugu jirah iyaguna dadka kale waa mid kamid ah xanuunada la kale dhaxlo.
  • Qofku hadii uu qabo xanuunada jiitama sida macaanka,dhiikarka,kansarka i.w.l  waxa uu halis ugu jiraa in uu xanuunkanna uu ku dhici karoh,ha is eego 6 biloodba mar.

CAWAAQIB XUMADA XANUUNKA.

Hadii aan la daawayn waxa uu sababi karaa saamayn baahsan ,maadama xanuunada ku dhaca qanjidhka thyroid ku ay saameeyaan shaqooyinkii uu jidhka u hayey kuwaas oo muhiim u ah caafimaadka qofka.

Waxa ka mid ah :-

  • Xanuunada kale duwan ee wadnaha.
  • Lafo jilicsan.
  • Indho xanuun.
  • Barar jidhka ah.

MAXAA LAGU BAADHAA?

  • Eegi taan iyo taabasho qanjidhka la taabanayo (cunaha).
  • Shaybaadh.
  • Sawir.

DAAWEYN.

  • Daawaynta waxa qori karah dhakhtar ama dawo –yaqaan.
  • Qalniin ayaa uu u baahan karaa qofku dhakhtar ayaa goaaminaya.