CAABUQA DHEGAHA KAGA DHACA CARUURTA YAR-YAR.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

caabuqa ku dhaca dhegaha ee ku badan caruurta da’doodu ka hoosayso 12 jirka,waa xaalad caafimaad darro oo ku badan caruurta.

caabuqa dhegtu waxa uu ka bilaabmaa biyo dhegta galay,qarax ay dhegtu samaysay iyo dheecaan .

xaaladan waa xaalad badanaa saamaysa dhego fayowbidda ubadka yar yar .

hadii la daaweyn waayo xaaladdan dhegaha waxa dhici karta in caabuqu uu gaadho madaxa ama maskaxda.

CALAAMADAHA XANUUNKA.

-xaalad degenaanshiyo la'aan ah .
-hurdo yari.
-kaar aad u badan.
-xumad.
-dareere malax oo kale ah oo dhegta kasoo baxa.
-maqalka oo hoos udhaca .


MAXAA SABABA XANUUNKA.

waxa sababa bacteria(bakteriya) iyo virus(fayras).

caabuqan waxa ugu badan ee uu ku dhacaa dhega qaybta dhexe.

badanaa xaaladan waxa ay ku dhacdaa ,xilliga ilmaha yar uu ku dhaco durayga.

hadii waalidka ubadka dhalay ay isticmaalaan balwadaha kale duwan waxa uu ilmahaas uu halis u galayaa in uu qaado xanuunka.

SIDEE LAGU OGAAN KARAA?

dhakhtarka jooga goobta caafimaadka ayaa xaqoojinaya isaga oo isticaamalaya qalab ugaar ah dhagaha oo loo yaqaan ostoscope.

dhakhtarku waxa kale oo uu eegi doona heerka xumada xumda taas oo cadayn u ah in uu caabuq uu jiroh.

DAAWAEYN.

Daaweynta waxa qori kara dhakhtar ,ilmahaaga ha udhaweyn daawo aad adigu u goaamisay hadii aanad ahayn xirfadle caafimaad.

xanuun baabiiye, ilmaha yar marka u horaysa waxa lasiin xanuun baabiiye.

-ilmaha nasi,uga fasax qaad goobaha waxbarashada illaa uu ka bogsanayo.

-si aad uga biisid xumadda iyo kaarka badan isticmaal inaad dusha uga qaboojisid ugana diirisid.

-cabitaan badan u samee si looga hortago fuuqbax.

daawooyinka caabuqa yareeya dhakhtarka ayaa qoraaya ,waxa ,muhiim ah in aanad ka joojin ilaa wakhtiga daawadu ay dhamanayso .

isbedel la’aan hadii aad dareentid ,ilmuhuna uu daawadii dhamaystay fadlan dhakhtarka la socodsii si cawaaqib xumada xanuunku ugu dhicin xaaladuna uga sii darin.