DHIIGGA CAADADA OO LA WAAYO.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

dhiigga caadada oo la waayo wakhtiyo kale duwan waa xaalad caafimaad darro oo lasoo darista qofka dumarka ah.

xaaladda ugu badan ee sababtaa waa xaaladda marka hooyadu ay qaaddo UUR iyo MARKA AY ILMO NAASKA-JAQSIINAYSO.

CALAAMADAHA HOOS KU XUSAN WAXA SABABI KARA LABA XAALADOOD:-

  • XAALADDA HORE xaaladda hore in dhiigga caadada la waayo waxa sababi karta in aan xiligii qaangaadhku dib u dhaco iyada oo ay jiraan xaalado caafimaad darro.
  • XAALADDA DANBE waxa sababi kara khalkhal ku dhaca hormone nada jidhka sida qanjidhada xukuma hab shaqaynta jidhkeena ee ku yaal maskaxda hoosteda .

CALAAMADAHA XANUUNKA.

  • dareere ka soo baxa ibta naaska.
  • timaha oo ka daata gabadha.
  • aragga oo khalkhala.
  • misgaha oo xanuuna.
  • finan badan oo jidhka ah.

MAXAA SABAB ?

waxaa sababo xaalado dabiici ah ,oo ay ka mid tahay hooyadu hadii ay uur qaado,hooyada oo ilmaha naaska siinaysa iy

kale koriyaha, kale koriyahuhu waa uu sababi kara , hadii ay joojiso isticmaalka kale koriyaha hooyadu waxa ay wakhtiyo waayi doonta dhiiga caadada,taas waxa ay ku iman kartaa cawaqib xumada daawada.

daawooyinka, daawooyinka sababa in dhiiga caadada la waayo waxa ka mid ah:-

  • daawooyinka loo isticmaalo waalida.
  • daawooyinka dhiikarka loo isticmaalo.
  • daawooyinka kansarka loo isticmaalo.
  • daawooyinka xasaasiyada loo isticmaalo.

nolosha gabadhu ay kunooshay oo xaaladahan ku la darsaan:-

  • miisanka gabadha oo hooseeya.
  • dumarka jimicsiga badan.
  • fikirka badan iyo walbahaarka.

isbedelka ku imaad horomone nada jidhka gabadha.

xaalado badan ayaa sababi kara in hormone nada jidhka gabadhu in ay isbedelaa tusaale ahaan hadii ay badato shaqada qanjidhka thyriod(tayroodh) waxa is bedeli kara dhaman shaqada jidhka.

waxa uu khalkhal ku iman karaa xaaladaha hormone nada gabadha taasina waxay xidhiidh la yeelan kartaa in dhiigii caadada la waayo.

YAA HALIS UGU JIRA?

  • waa xanuun la kale dhaxli karo ,hadii uu jirto gabadh xafadaha oo xanuunku uu ku dhaco adiguna halis ayaad ugu jirtaa.
  • hadii aad gabadh dhalin yar ah aad tahay oo cunto yari iyo nafsad la’aan kaa hayso cunto halis ayaad ugu jirtaa in xaaladan kula daristo.
  • jimicsiga aadka u badan waxa uu keeni karaah xaalad caafimaad darro.

CAWAAQIB XUMADA KA DHALATA XANUUNKA.

hadii laadaaweyn waayo xilli hore xaaladan waxa dhici karta xaaladahan :-

  • dhalmada ama taranka oo yaraada.
  • lafaha oo burbura
  • degenaanshiyo la’aan.

SHAYBAADHKA IYO DAAWEYNTA WAXA QORI KARAH AMA GOAAN KA GAADHI KARAH KALIYAATA DHAKHTARKA KU TAKHASUUSAY ARIMAHA DUMAR.

HADII AAD ISKU ARAGTO CALAAMADAHA XANUUNKA WAA IN SI DHAKHSO AH DHAKHTAR U AADID HA ISASII EE GAN.