XANUUNKA ACHLOHYDRIA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

achlohydria waa xaalad caafimaad darro oo lasoo darista caloosha dadka.

waxa qofka ka dhamaanaysa ama se meesha ka baxaysa soodayntii calooshu ay soo daynaysay aysiidha caloosha(acid).

FAAIIDOOYINKA AY ASIIDH(ACID) AY ULEEDAHAY CALOOSHEENA.

faaiidooyin badan ayaa inoogu jirta in caloosheena laga helo acid si cuntada iyo habdhiska dheefshiidku uu aad ugu shaqeeyo.

acid-dha calooshu waxa ay ka qaybqaadataa in lasoo daayo dareerayaasha kale duwan ee burburiya cuntada sidoo kale , waxa ay ka qayb qaadataa in ay ka hortagto caabuq-dhaliyeyaasha cuntada ku dhex jirta sida in ay disho bakteriyada iyo fayruska (bacteria iyo virus).

CALAAMADAHA XANUUNKA.

-dibiro.

-yalaalugo.

-laab-jeex.

-shuban.

-awood-darro.

-timaha oo daata.

-saxarada oo lagu arko cunto aan la dheefshiidin.

-xusuusta oo hoos u dhacda.

koritaanka ilmo aragtaydu aadbay u badanaysaa , waxa ay aad usii kordhinaysaa in caabuq badan uu ku dhasho habdhiska dheefshiidka .

MAXAA SABABA ?

xanuunka ku dhaca qanjidhka thyriod-ka waxa uu hoos u dhigaa soo saaridda lasoo saaraayo ACID(aysiidha) caloosha.

waxyaabaha ugu sii badan ee sabab waxa ka mid ah daawooyinka hoos u dhiga aysiidha ,daawooyinka gastric0gu hadii ay dhaafaan wakhtigooda 4 week ,wixii ka badan waxa ay meesha ka saarayaan aysiidha caloosha qofka xaaladan aya lasoo darsi karta.

hadii qofka uu ku dhaco xanuunka gastritis ama caabuqa caloosha ,waxa keenta badana bacteria yada loo yaqaan H.PYLORI .

xaaladaha qaar waxa lasoo wariyaa in habka difaacu uu sababi karo.

YAA HALIS .

dadka qaba xanuunka gastric-gu waxa ay halis ugu jiraan xaaladan maadama ay qaataan daawooyinka yareeya acid-dha caloosha .

dadka qaba xanuunka THYRIOD-ku waxa ay halis ugu jiraan in xanuunka uu ku dhaco.

SHAYBAADH IYO DAAWEYN.

shaybaadhka iyo daaweynta waxa qori kara dhakhtar.

hadii aad calaamadaha xanuunka aad isku aragtay fadlan hore u aad goob caafimaad .

ha isticmaalin daawooyinka gastric-ga muddo ka badn 4 week .