SHUBAN.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Shubanku waa kordhidda tirada iyo jilicsanaanta saxarada. Taas oo kala ahaan karta in badan oo jilicsan ama fudud ilaa in badan oo biyo-biyo ah. Hal ama laba mar oo ah In yar oo jilicsan ma aha shuban, mana u baahna daaweyn. Shubanka waxaa inta badan keena xanuun feyras ah ama cunidda cunto aanay calooshu oggolayn. Haddii shubanka cunuggaagu uu keenay bakteeriya, dulin, ama feyras khaas ah, eeg warqadda barashada,  ee shubanka.

KHATARTA UGU WEYN EE SHUBANKU UU KEENO.

Khatarta ugu weyn ee shubanku waa fuuq- bax ama dheecaan-bax. hadaba fuuqbaxu waxoow keeni karaa in qofku naftiisa qatar gasho. fadlan haddii ey caruurtu fooqbaxaayaan ula tag dhaqtar sida ugu dhaqsaha badan haddii kale ama aan heleynin dhaqtar waxaad sameysaa milanka loo yaqaan ORS. hadaba milanka sid ugu fudud ee aad ugu samenkarto waxaa waye. 1.kululeey ama kar kari biyo caadi ah. 2.kushub sokor. 3.kadiban kusii shub cusbo tasoo kayar mug ahaan intii sokortu la ekeeday. 4.qabooji biyaha. 5.kadib waxaas siisaa cunuga fuuqbaxaayo sadex qaando una dhexeysii mudo ilaa toban daqiiqo ah. dadka waaweyn waxaad siin kartaa ilaa shan qaato markiiba.

Shubanku si fudud ayuu u gudbi karraa dadka kale istaabashada gacamaha. Hubi qofka kasta oo ka mid ah qoyska inuu dhaqo gacamihiisa si fiican ka dib isticmaalka musqusha.waxaa muhuum ah in la takooro caruurta marii eey saxaroodaan kadib. fadlan kafogey caruurta kale ee faya qabto kan xanuunsan ama dil cayayaanka duqsiga ama dixsiga kasoo siween ufaafiya cudur ka koleraha.

Ujeedada daawayntu waa ka hor-tegida fuuqbax. iyadoo la bedelayo dhecaankii ama dareerihii ku lumay shubanka.

CALAAMADAHA SHUBANKA.

  • Kaadi la’aan (ama xafaayada oo qalalan)

muddo 8saac ah

  • Dibnaha/bushimaha oo qalala
  • Gudaha afka oo qalala ama isku dhegdhega.

Calaamadaha fuuq-baxa aadka u daran:

  • Indhaha oon aan ilmayn marka uu ilmuhu

ooyayo

  • Gudaha afka oo aad u qalala (candhuuf

la’aan)

  • Indhaha oo god gal
  • Miisaanka oo ka dhaca
  • Tabarta oo ku yaraata
  • Kicintiisa oo adkaata markuu hurdo
  • Isku buuqsanaan
  • Daciifnimo (ku adkaato inuu fariisto ama

socodo, dhacdhacid.

KA HORTAG.

Ujeedada daawayntu waa ka hor-tegida fuuqbaxa iyadoo la bedelayo dhecaankii ama dareerihii ku lumay shubanka. Tani aad ayay sidoo kale muhiim u tahay haddii uu matag jiro. Haddii ilmahaagu matagayo, tixraac warqada warbixinta “Hunqaacada / Matagga”, ka hor inta aadan daawayn shubanka. Haddii aanu matag jirin, raac qodobadan. Kuma daawayn kartid shubanka bedelida cuntada, laakiin waxaad ku yarayn kartaa calaamada shubanka iyo xanuunka. Bilow daawaynta ka dib marka uu ilmuhu shubmo 4mar xaar aad u jilicsan 24kii saacadood. Waxaa laga yaabaa inay qaadato maalmo dhowr ah in saxaradu ay ku soo noqto sidii caadiga ahayd. Shubanka fayraska ahi wuxuu qaataa 5 ilaa 9 maalmood, laakiin waxaa hoos u dhaca qiyaasta saxarada iyo inta mar ee uu ilmuhu saxaroonaya inta daawadu socoto. Si aad ugu soo celiso bakteeriyadii caafimaadka qabtay saxarada .

isticmaal ORS gurigana haku taal.


NOOCYADA SHUBANKA.

Shubanku waxa uu u kala baxaa dhowr darajo oo kala ah:-

  • Water diarrhea
  • Infantile diarrhea
  • Dysentery diarrhea
  • Summer diarrhea
  • Purulent diarrhea
  • Ulcerative diarrhea
  • Intermittent diarrhea
  • Neonatal diarrhea
  • Dental diarrhea.

WATER DIARRHEA
Waa marxalad 3 jeer iyo in ka badan uu qofku dhigo shuban biyo ah (Water Stool), waana shubanka ugu khatarta badan, waxaana loo yaqaannaa Cholera/Daacuun.
INFANTILE DIARRHEA
 Waa shuban biyo ah oo ay caruurtu shubmaan 3 jeer iyo in ka badan, xiliga Naas Nuujinta.
DYSENTERY DIARRHEA
 Waa marxalad uu qofka dhigo saxaro jilicsan oo dhiig leh, waxaana loo yaqaannaa Shuban Dhiig (Dysentery Diarrhea).
SUMMER DIARRHEA
 Waa shuban biyo ah oo la shubmo, caruurtuna waxa ay shubmaan xiliga Xagaaga.
PURULENT DIARRHEA
 Waa shuban ay la socoto Malax Dhiig iyo Axal iskugu jira.
ULCERATIVE DIARRHEA
 Waa shuban daran oo yimaada marka ay jiradaan xubnaha jilicsan ee Mindhicirada, waxaana loo yaqaannaa Shuban Axalleed.
NEONATAL DIARRHEA
 Waa shuban xooggan oo ay dhallaanku shubmaan xiliga hore ee dhalmada.
DENTAL DIARRHEA
 Waa shuban ay caruurtu shubmaan, xiliga ay ilkaha u soo baxayaan.
 

WAX YAABAHA SABABA:
 Shubanka, waxaa inta badan sababa jeermis
 ili-ma-aragto ah oo ay ka mid yihiin;

  • Virus.
  • Bacteria.
  • Worms.
  • Vebra Cholera.

QAABKA UU U FIDO.
 Shubanka, wuxuu ku fidaa saxarada oo afka gaadha (Feces Oral Transmission), waxaana si gaar ah u faafiya afar wax (4 F) oo kala ah:-

  • Feces/Saxaro
  • Fingers/Faraha
  • Flies/Diqsiga
  • Food/Cuntada.

DAAWEYN.

daaweynta xanuunka shubanka waxa muhiim ah in dhakhtar la geeyo qofka .

si degdeg ah u gee goob caafimaad qofka aad ku aragtid shuban .