Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Qanjo xanuunku waa hafeef ku dhacda qanjaha, oo ah qanjidho ku yaala dalqada, qaaxada, dhuunta korkeeda sidoo kalena loo yaqaano qumanka. Hafeefta qanjo xanuunku waxay ku badantahay caruurta yaryar iyo dhalinyarada, waxa badanaa keena fayras mararka qaarkoodna waxa keenta bakteeriyo.
Calamdahooda waxa ugu muhiimsan qanjaha oo qofka damqada, liqista cuntada oo ku adkaata iyo xumad.
Badanaa qanja xanuunku isagaa iskii iskaga taga, mararka qaarna waxa loo baahdaa dawooyin kuwaasoo ay tahay in marka hore la ogaado ma fayrasbaa keenay mise bakteeriya. Waxa lagayaaba hadii qofka uu aad ugusoo noqnoqdo in qaliin loo baahdo oo qofka laga jaro qanjaha.
- Maxaa keena qanjo xanuunka?
Waxa badanaa keena fayrasyada keena duriga ama hargabka ama sanboorka amaba lafa garaaca, inkastoo ay sidoo kalena keeni karaan bakteeriyo, kiidoonaaba hakeenii xanuunkani waxa uu ku faafikaraa dadka dhexdooda isagoo qofka qaba neeftiisa, cuqafa iyo hindhisaduba ay keeni karaan in qofka kale ay u gudbiyaan.
- Calaamahda ama sumadaha xanuunkan:
Badanaa waxay ku soo muuqdaan astaamaha qanja xanuunku 2 ilaa 5 cisho kadib marka uu qofku qaado ama uu soogalo jidhka qofka. Calamadaha ugu caansan waxa kamida:-
- Qanjaha/ qumanka oo qofka damqada
- Liqida cuntada oo ku adkaata ama damaqda
- Xumad madax xanuun dhagaha oo qofku culays iyo garaac ka dareemo qanjidhada oo casaada bararana
- Cad cadaan ku samaysma qanjaha dushooda
- Side lagu shaybaadhi karaa ama lagu ogaadaa inuu xanuunku jiro:
dhakhtarku waxa uu eegaa qanjaha isagoo qofka afka kala fur odhanaya, waxa uu arkaa qanjaha oo bararsan, ama cadcadaan leh, ama casaaday. Sidoo kale waxa uu ka taabtaa dusha, markaa dhakhtarku isagoo eegaya qofka calaamadihiisa iyo waxa uu ku arkay dhuuntaa ama dalqada waxa uu kala garankaraa in uu fayras keenay iyo in bakteeriya keentay qanja xanuunkan.
Mararka qaar waxa ilmahayar dalqadiisa laga qaadi karaa maris ama candhuuf ama qoyaan silo baadho oo la ogaado in bakteeriyo jirto iyo uu fayrasyahay.
- Daawaynta xanuunkan:
Badanaa qanja xanuunku isagaa iska taga isagoon qofku wax dawo ah qaadan ilaa 10 cisho gudohood,
Taasoo kaliya ilmaha yari uu u baahan yahay hadii uu xumad leeyahay in xumad jabin lasiiyo sida loo siinayana lagala tashadu qof aqoon uleh ama hadiila helikaro dhakhtar.
Xumad jabinta badanaa waxa loo isticmaalaa dawada barasitimol ama dhikrofinak, walaga fiicanyahay in loo isticmaalo asbiniin waliba caruurta yaryar.
Qanjo xanuunka nooca ay bakteeriyadu keentay waxa loo qaataa dawooyin kuwaasoo ay tahay inuu qofku wada dhamaysto oo aanu kakala tagin.
Waxyaabaha kale ee qanja xanuunka lagula tacaalo waxa kamida
In qofku uu ku luqluqdo biyo diiran oo milix leh
In uu cabo cabitaan diiran
- Qanjidhada in la ga jaro qofka:
Mararka qaar hadii qanja xanuunku uu aad u dhibo ilmaha yar oo uu sanad gudihii ku dhacayo in badan, waxa laga jaraa qanjaha iyadoo uu dhakhtarka dawaynayaa goβaamiyo in laga jaro iyo inkale, qaliinka qanjuhuna waa qaliin aad u fudud oo maalmo kooban kadib uu ilmuhu dugsigiisii iska tagi karo aan saamayn dambena ku yeelan badanaa caafmaadka ilmaha.
- Ka hor tagida
Si looga hortago qanjo xanuunka fadlan ilmaha yar bar
- Nadaafada qamcaha ama faraxalka waliba cuntada ka hore iyo suuliga kadib.
- Ilmaha yar bar inuu ku hindhiso ama ku qufaco isagoo maro afka saaraya ama suxulkiisa oo laaban
- Ilmaha yar bar in aanuu ilmoyar oo kasta weel wax kula cabin ama kula cunin, hadiise uu kula cunayana uu iska nadiifiyo ka hore intaanu isticmaalin.
- Mararka qaar waxa ilmaha yare e uu qanja xanuunku ku bato ee waliba uu ku keeno doog ama raadayn caafmaad oo kale sida wadna xanuunka iyo jilbo xanuunka;
- Waxa la siin karaa dawooyin ka hortaga qanja xanuunka oo qaarkood la liqo todobaadkiiba sadex cisho.
- Waxa kale oo lasiin karaa irbad lagu mudo bishiiba halmar
- Maxaa soo celceliya qanjo xanuunka?
Ta ugu muhiimsan ee ay tahay bulshadu inay barato waa in la iska ilaaliyo iyo kiniinka qanjo caxanuunka uu qofku marba iskayara qaato mid ama laba kadiban iska joojiyo taasoo halis badan oo caafmaad keenikart.
Ilmaha markasta oo uu qanjuhu xanuuno maaha in antibiyootic lasiiyo ee waa in marka hore lahubiyaa in uu waxaniyahay fayras mise bakteriya.
Iraabka qanja xanuunka:
Waa inaan wax irbado ah loo qaadan qanjo xanuunka, badanaa hadii aanay kalifin sababo uu dhakhtarku garto marka uu qofka lakulmo waa in dhakhaatiirta iyo bukaankuba iska ilaaliyaan in aanay iraabka u isticmaalin si aan kafiirsasho lahayn.
- Wax yaabaha ka dhalankara qanja xanuunka:
Inkasta oo aanay badnayn waxa kadhalan kara qanja xanuunka aan la dawayn;
Ilmaha oo jilbo xanuun iyo wadna xanuunyeesha
Ilmaha oo marku hurdo aad u khuuriya
Ilmaha oo marku hurdo neef qabatooba kadibna aan hurdada ka boqon maalintiina ku dhex seexda iskuulka.
Mararka qaarna waxa ku samaysmi kara malaax gasha cuna ama qanjahaba.
Qoraalka waxa loogu talogalay warbixin guud iyo qacyigalin ee waa inaan loo isticmaalin qofka lagudaweeyo, waa sidoo kale in la ogaado in ay uu maqaalkani yahay dulka xaadin ee aanu ahayn cilmigii oo dhamaystiran ee markasta lagala tashado xaalada taagan dhakhtar arkaya xalada.