GARGAARKA DEGDEGA AH.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

CASHARKII LABAAD.

DHIIG JOOJIN.

qofka bukaanka ah ee dhiig baxaya waa in la joojiyaa ,

Cadaadis toos ah.

Dhiig-bax kasta waxaa lagu joojin karaa maro adag oo lagu xiro oo ah tan ugu nadiifsan oo markaas la heli karo. Meesha dhaawaca ah
ugu dhig marada si cadaadis ah.

Kor-u-qaadid.

Bukaanka u jiifi si meesha dhaawaca ahi ay uga sare marto
wadnaha. Haddii dhaawacu yahay mid madaxa ah ama mid qoorta ah,
madaxa iyo garbaha kor u qaad. U socda cadaadis toos ah.

MEELAHA CADAADISKA.

Haddii dhiig-baxu uu socdo, halbowlaha waa in lagu
cadaadiyo lafta dhaawaca dushiisa.
Gacanta.

Kala barka suxulka iyo is-
goyska garabka.

Lugta.
Ku cadaadiyo meesha ku dhexeeya simaha iyo lugta.

JOOJINTA DHIIGGA.

Xiriddu waa halis! Isticmaal haddaad ka badin weydo oo
qur ah hadii aad ka maarmi waydo .

Ku xir meesha dhaawaca ah calal
dheer oo ballaciisu yahay ugu

yaraan 5 sentimitir (ha isticmaa- lin xarig, nayloon ama fiilo).

Cala lka ku xir addinka meel aan dhaawac ahayn ee ka sarraysa
dhaawaca si usan u soo dhicin.Calalka labo jeer ku laab addinka,
is weydaarina labadiisa af adigoo mid walba ku duubaya kan kale.

DHAAWACA SHAFKA OO GUDAHA JlRA.

Haddii gantaal ama wax kale oo kaar ah dhuubani shafka galaan neef qaada- shay iyo neef soo celinta qofka ayaa wax laga maqlayaa cod foori leh. Si looga hortago in sambabadu shaqada joojiyaan waa in
daloolka la daboolo.

lsla markiiba waxaad taas ku samayn kartaa calaacashaada, gabal bac ah, maac xabag leh ama calal nadiif ah oo qanweyn leh. Ha dhigee maac xabag leh saddex dhinac oo keliya. Hal dhinac waa in la furantahay in loo
fududayo hawo ka soo baxo shafku.

Bukaanku ama xis ha qabo ama yuus qabine waa in loo jiifiyo dhinac iyadoo meesha dhaawaca ah ay hoos marinayso.

DHAAWACA CALOOSHA.

Dhaawaca u huwi maro nadiif ah. Haddii xiidmaha ama xubno kale oo
gudaha ay ka soo dhacaan, ha iskudayin in aad dib ugu celiso.

Bukaanka ujiifi sida ugu habboon oo ugu fiican, lowyaha u soo laal
hoostoodana ka geli buste duuba si cadaadiska caloosha hayaa u yaraado.

Bukaanka ha siin wax cabbitaan ah (xataa hadduu sheeganayo haraa
badan), wax cunto ah iyo sigaatoona.

lasoco casharka labaad.

nooreeb wixii suaalo ah .

mahadsanid.

2 Comments

  1. Hodan hassan