DAAWOOYINKA DHAAWACA U GAYSAN KARA KELYAHA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Daroogo kasta oo aad geliso jirkaaga waxay mareysaa kilyahaaga.

hadii aanad daawada u qaadan sida uu kuugu sharaxay daawo yaqaankaaga ama dhakhtarkaaga waxa ay keeni kartaa in kelyahaagu dhaawac uu soo gaadho.

XANUUN BAABIYEYAASHA IYO KELYAHA.

daawooyinka xanuun baabiiyeyaasha ma qoraan dhakhaatiirtu ama dawoyaqaanku waa sida sharciga ah ee ay inoo dhigayso ururka caafimaadka aduunka.

dawooyinkaas waxa ka mid ah paracetamol , ibuprofen and naproxen.

dawooyinkan aynu kor ku xusnay waa dawooyin badanaa ay isticmaalaan bulshadeenu ,waxa ay ka midyihiin dawooyinka aadka u dhaawaca kelyaha.

fadlan ha isticmaalin daawooyinkan talo la’aan(talo dhakhtar ama talo dawo-yaqaan).

DAWOOYINKA ANTIBAAYOOYIGA AH (ANTIBIOTICS).

daawooyinka antibiotics ka waxa ay la dagaalaman caabuq marka uu jidhkeena uu ku dhaco sida qanjo xanuunka , oofta , caabuqa ku dhaca kaadi haysta iyo qaniinyada xayanada .

antibiotic-ga kaliyah waxa qora dhakhtar ,sanadadii ugu danbeeyey somaliland waxa aad usii kordhaya dadka kelyo-xanuunka yeelanaya si degdeg ahna u fadhiisanayaan muddo bilkayar.

waxyaabaha ugu badan ee ku sababa waxa ka mid ah antibiotic-ga oo uu qofku aad u isticmaalayo , adin hadii uu xanuun yeesho waxa dhici karta in uu doonto antibiotc-kaas oo xaaladiisa daawayn karin ilaa la ogaado in uu ubaahan yahay iyo in kale .

dadka kelyaha loo sifeeeyo waxa ay qaataan antibiotic aad u xaddi yar halka ay ka cagsigeeda dadka caafimaadka qaba ee xanuunada yaryar ka cabanayaa ay qaataan antibioc-badan .

fadlan ha isku qorin antibiotic – adiga oo u tagi kara dhakhtar .

DAAWOOYINKA CALOOSHA JILCIYA.

dhammaan daawooyinka caloosha jilciyaa waa u nabdoon yihiin dadka .

dawooyinkan caloosha lagu jilcinayo ayaa u qaybsama dhowr dawo , kuwooda khatarta badan waa kuwa xaga danbe laga isticmaalo kuwaas oo dhib ku keeni kara malawadka.

fadlan ka taxadir dawooyinkaas dhakhtar la’aan.

TALOOYIN .

dhammaan dawo -yaqaanada soomaaliyeed fadlan ha siin antibiotic aanu u baahnayn qofka bukaanka ah.

fadlan ha siin xanuun baabiiye aanu ubaahnahayn qofka bukaanka ah .

lacag wala heli karaa fadlan ha dhaawicin qof aan awoodin inuu lacag dawo ku bixiyo .

xanuunada qaarbadan lama daawayn karo gacmahaaga haku hallaagin qof noloshii.