SONKORWGA IYO INDHAHA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

sonkorowga la xadayn waayey waxa uu sabab in uu dhaawac soo gaadho qaybta araga indhaha ee loo yaqaan ratinaha.

waa maxay ratina?

waa nude yar oo aad ujilicsan , waxa ay kuyaalaan gidaarka u danbeeya ee indhaha.

ratina waxa ay leeyihiin xidido dhiigga gaadhsiiyaa dhamaan nudayaasha uu ka koobanyahay ratina , sonkorowgu waxa uu dhaawacayaa tuunbooyinkaa dhiigga gaynaya ratinaha kadib waxa khalkhal uuku imanayaa iftiinka sha gelaya, qofka macaanka leh sababtaas ayuu si fudud loogu arkaa xaaladda afka qalaad lagu yidhaa diabetic retinopathy .

xaladaha dadka uu ku dhacaa waa qofwalba oo sonkorta uu qaadanayo ay badantahay , waxa uu si gaar ah uu ugu sii dhacaa dadka qaba xanuunka sonkorowga laba qaybood ee ka ku dhaca dhalinyarta (type1) iyo ka ku dhaca dadka waaweyn(type2), kuwaa oo macaankooda u qaadan wax daawo ah.

shaqada ratinuhu ay inoo qabtaan .

indhahu waa waxa ay kamid yihiin xubnaha ugu muhiisan ee jidhkeena .

ratinuhu waxa ay inaga saacidaan iftiinka soo galayaa indhaheena inay u bedelaan dareen , maskaxdu dareenkaas ayey u bedelaysaa ama ay turjumaysaa muuqaal.

calaamadaha lagu garto xaaladdan .

  • aragtida oo aad u daciifta.
  • liidad madmadow oo xariiq dheer ah oo aad ku aragtid indhahaaga markaad meel fiirisid.
  • xididada dhiigga oo indhaha ka muuqda.
  • aragtida qaybta aragga oo aad u liidata.
  • indhaha oo colourka kale saari kari waaya.

MAXA SABAB AH XAALADAN.?

Xaaladan waxa sababa qofka oo aad u qaata xaddi badan oo sonkor ah .

YAA U HALIS AH XAALADAN ?

  • qof xanuunka sonkorowga la nool.
  • qofka cadaadiska dhiigiisu uu aadka u sareeyo.
  • qofka beer subagga leh.
  • hooyada uurka leh.
  • dadka aadka u isticmaala tubaakada.

CAWAAQIB XUMADA LAGA DHAXLO.

haddii qofku uu hore ugu tagi wayo dhakhtar waxa uu la darsi karaa xaaladahan.

  • Indho la’aan.
  • xanuunka loo yaqaan gulukoma .
  • indhaha oo uu dhiig ku furmo.

KA HORTAGGA XANUUNKA .

  • ilaali heerka sonkortaada.
  • haddii aad xanuunka sonkorowga la nooshahay 3 biloodba mar eg in sonkortaadu tahay mid xadidadan.
  • haddi aad leedahay xanuunka beer subagga daawada si fiican u qaado ,marwalba dhakhtarkaaga la tasho.
  • samee jimicsi badan .
  • cadaadiska dhiigaaga marwalba cabbir kuna dedaal inaad qorto cabirka si dhakhtarka aad ugale tashatid .
  • balwadaha sida sigaarka , tubaakada iyo balwadaha kale khatar caafimaad oo xagga indhaha ah ayey ku galin karaan fadlan ka feejignow.
  • indhahaaga cabirkooda marwalba la soco.

CALAAMADAHA AAN KORKUSOO XUSNAY HADII AAD ISKU ARAGTID FADLAN U TAG DHAKHTAR INDHAHA KU TAKHASUUSAY .

DAAWOOYINKA INDHAHA MA BIXIN KARO DAWO YAQAANKU KALIYA WAXA BIXINKARA DHAKHTARKA TAKHASUSKA U LEH INDHAHA.