MA ISTICMAALI KARTID SINJIBIISHA HADII AY JIRAAN XAALADAHAN!

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Sinjibiishu waa xidid faaiidooyin badan u leh hab nololeedkeena , waxa uu daaweeysaa dhammaan caabuqa ka jira jidhkeena iyo in ay kor uqaado hab dhiska dheefshiidka.

waa mid ka mid ah daawooyinka dabeeciga ah ee dhulkeena aadka ugu caan ka uu ku yahay.

GOORMA AYAAD KA FOGAANAYSAA SINJIBIISHA ?

Sinjibiisha waxa la diidaa qaadashadeeda hadii ay jiraan xaaladahan hoos ku xusan .

1:XAANUUNADA DHIIGA KU DHACA.

xanuunada kale duwan ee ku dhaca dhiiggu aad ayey u kale duwan yihiin , sinjibiishu aad waxa ay ula xidhiidha xinjirowga dhiigga.

hadii uu qofku uu leeyahay xanuunada dhiigga ku dhaca sida kansarka dhiigga iyo xinjirowga dhiigga oo raaga dadkaas looma ogola in ay isticmaalaan sinjibiisha .

xanuunada wadnaha iyo romatiisanka dadkaa iyaga waxa looga baahanyahay in ay ka fogaadaan .

2:DAAWOOYINKA KA SAMAYSAN SINJIIBSHA.

Dawo-yaqaanadu waxa ay doowinka ka sameeyaan dhir iyo kiimikooyin kale duwan , dawooyinkan laga sameeyey sinjiibisha waxa badanaa dhacda hadii qofku uu ka cabanayo xubnaha jidhka ee loo isticmaalo sinjibiisha in uu guriga kusoo qaatay xaddi yar , kadib uu kuugu yimid goobtaada daawada kadib aad adiguna aad siisid dawo laga sameeyey toon , tii uu soo cunay iyo tan aad adigu siisay waxa ay kordhinaysaa in xadigii jidhku uu qaadi jiray inkabadan uu qaato taasna ay saamayn ku yeelato.

xaaladaha ugu badan ee ay dadka galiso waxa ka mid ah in ay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga .

dhinac kale marka aad ka eegtid waxa ay hoos udhigtaa xinjirowga dhiigga taas oo keeni karta in uu qofku si fudud u dhiig baxo.

DAAWOOYINKA AAN LALA QAADAN KARIN SINJIBIISHA .

  • Daawooyinka xinjirta hoos udhiga(Anticoagulant / Antiplatelet drugs).waxa ka mid noqonaya dawooyinkaa warfarin,Phenprocoumon labadooduba waxa hoos u dhigaan xinjirta.

3.HOOYADA UURKA LEH.

Sinjibiisha waxa la yidhaa waa in hooyadu ay isticmaashaa inyar sababta ugu weyn ee ay u isticmaalaysaa waxa weeyi in ay hoos uga dhigto mantagga iyo yalaalugada.

Saddexda bilood ee ugu horeeya waa in ay aad uyaraysaa xadiga ay isticmaalaysay .

waxa ugu badan ee ay hooyada uurka leh ay ku keento waxa kamid ah in ay keento in uurku uu is ururiyo sidii foosha ,kadib ilmo aan qaadh ahayn oo wakhtigiisi dhamaysan uu dibada u soo baxo iyo wixii kale ee uurka ku jira.

ka dheerow xadiga badan ee sinjibiisha.

4:DADKA DHUUDHUUBAN(MIISAANKOODU YARYAR).

sinjibiishu waxa ay carisaa habdhiska dheefshiidku in ay aad u shaqeeyaan.

haddi aad tahay qof aad miisaankiisu u hooseeyo ma wanaagsana cunto badan in aad isticmaashid oo sonkor ah (carbohydarate ) ah ee waxa loo baahan yahay nafaqooyin badan oo la nuugi karo isla wakhtigaaba.