Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Shaqo gudeedka xubintan ayaa waxa ku dhaca in xididadu ay xidhmaan ,iyada oo loo aanaynayo kansar ama in waxyaabo jidhka dibadda kasoo galay ay xidhayaan.
cayaanka yaryar ee ku dhasha indhicarrada sida ameba ayaa iayaguna sababi kara in qabsin qofka uu ku dhaco .
haddii caabuq uu kaga dhaco qofka qanaca ayaa ah ta ugu badan ee sababi karta.
CALAAMADAHA XANUUNKA.
-Xanuun aad udaran qaybta sare ee macdanta.
-Yalaalugo.
-Mantag.
-Cunto yari.
-In ay ku adkaato in naqas xaga danbe ka imaad.
-Calool is tag.
-Xanuun badan xiliga qashin saarka kaadida.
SIDEE LOO XAQIIJIYAA QABSINKA.
-Sawir macdanta laga sawiro ,waxa uu soo saarayaa ama xaqiijinayaa in caabug uu ku dhacay qabsinka.
-Kaadi ayaa qofka loo diraa ,si looga baadho caabuq.
-Dhiigga ayaa qofka laga qaada ,si looga baadho caabuq.
-Sawir ct-scan ayaa macdanta ama inta dhexe laga saara ,waxa uu xaqiijinaya in xanuunku uu jiro iyo inkale.
SIDEE LOOGA HORTAGI KARAA QABSINKA.
- Haddii aad leedahhay cayayaanka caloosha ku dhasha FADLAN HORE ISKAGA DAAWEE
- Subagee badan uma wanaagsana ganaca fadlan iskayar.
- Jimicsi wanaagsan samee.
- Ka hortag calool istaagga .
CAWAAQIB XUMADA KA DHALATA ISKA DAAWO LA’AANTA QABSINKA.
In qabsinka kiishkiisu uu ku dilaaco jidhka ,taasina ay keeni karto dhamaan uur ku jirto in caabuq miidhan ama caabuqu uu wado gaadho ,hadii uu wada gaadho caabuqu dhaman macdanta sida (beerka,mindhicirada ,kelyaha ,sanbabada iyo wadnaha) waxa hubaal ah in uu gaadhayo maskaxda taasina ay keenayso xaalad adag oo dhimasho.
Caabuqa ku samaysmay xumibinta waxa halis u ah in ay samaysanto malax iyo dheecan .