Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Haweenka uurka leh ,ee cayilan miisaankooduna aadka u sareeyo , hadii ay leeyihiin xanunada jiitama sida macaanka iyo dhiikarka waxa ay halis aad ah ugu jiraan in ay xanuunka ay sifudud u qaadaan marka loo eego dhigooda kale ee uurka leh ee aan lahayn xanuunada macaanka iyo dhiikarka.
Habkooda difaac oo ah mid aad isku bedbedalaya laguna tilmaamo inuu marwalba uu hoosaynayo hab-difaaco waxa ay si fudud u qaadi kartaa dhammaan xanuunada hawo-mareenka ku dhaca sida covid19 .
HOOYADA UURKA LEH SIDEE AYEY UGA HORTAGI KARTAA?
Waxa ay uga hortagaysaa sida dadka kale ay uga hortagayaan ,waxa intaas dheer dedaal dheeraad ah iyo danayn dheeraad ah oo taxadir badan uu kujiro , fadlan maadaama habkaaga difaac uu hooseeyo ha aadin goobaha dadku iskugu imanayo .
1.Gacmahaaga dhaq .
2.Ka fogow dadka ,micnaha gaab ha idiin dhexeeyo.
3.Ha taaban indhahaaga ,sankaaga iyo wajiga.
4.Isticmaal afdabool.
5.Daryeel hawo mareenka sankaaga iyo afkaaga .
6.Isticmaal cunto isku dheeli tiran .
HADDI AAD ISKU ARAGTO CALAAMADAHA XANUUNKA FADLAN HORE U GAADH GOOB CAAFIMAAD.
HADDI HOOYADA UURKA LEH AY QABTO XANUUNKA COVID19 ILMAHA MA U GUDIB KARTAA?
Ururka caafimaadka aduunku waxa ay sheegeen in illaa hadda aan la xaqiijin karin in ay hooyadu ugudbin karto ilirumaha.
Ilmuhu marka uu soo dhasho dareeraha jidhkiisa ku hareeraysan wax virus ah kama muuqdo oo xanuunkan sheegaya.
MA TAABAN KARAA ILMAHA HADDI AAN QABO COVID19?
Haa , waa taaban kartaa ilmaha wanad shaqsiin kartaa naaska.
tilmaamahan ayaa muhiim ah in aad raacdid:-
- Hawo mareenkaaga dabool xidho mask hana ku qufucin.
- Gacmahaaga sii aad ah u dhaq.
- Caanaha sii si degenaanshiyo ku jirto.
- Maqaarkaaga iyo maqaarka ilmaha is taabsii.
DAAWOOYINKA QAARKOOD HOOYADA UURKA LEH SAAMAYN MAKU YEELAN KARAAN?
Xanuunka covid19 waxaa lala tacaalayey calamaadaha in daawoyin badan lagu baabiiyo tusaale hadii qofku uu yeesho jilbo xanuun waxa la siinayaa dawooyin isku dhafan oo awood badan .
hooyada uurka leh kaliyata waxa ay qaadan kartaa paracetamol hadii laga maarmi waayo waxa ay la tashanaysaa dhakhtarkeeda.