SANBOORKA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Waa maxay Sanboorka?
Sanboorka waa xanuun ka mid ah xanuunada xajiinta ama allerjiga, wuxuu ku dhici karaa da’ kasta.
Waxyaabaha kiciyo sanboorka waxaa ka mid ah: boorka, qiiqa, daawooyinka iyo cunnooyinka qaar.

Maxaa lagu gartaa?
Waxaa lagu gartaa calaamadahaan hoos ku xusan:

  • Hindhiso
  • Cuncun sanka ama indhaha
  • San-dudur
  • Cabursanaan
  • Duuf

Sanboorka waxuu la socon karaa xanuunada allerjiyada kale sida allerjiga indhaha, allerjiga maqaarka iyo allerjiga hawo-mareenka (Neefta/Xiiqa).

SIDEE AYUU KU IMAADAA SANBOORKU?

Sanka waxa soo galaaya ilmo aragtay sida bakteriya ama fayras kadib waxa kale baaha unugyada mast cell , kadib waxa ay soo daayaan maadooyin dareere ah oo loo yaqaan histamine .

histamine waxa ay qaybkatahay habka difaaca jidhkeena waxa lasoo daayaa marka jidhka uu soo galo ilmo aragtay xanuun sababe ah .

Qofka isku og sanboorka waa inuu iska ilaaliyaa waxyaabaha kiciyo sida busta, qiiqa, carafta iyo waxyaabaha kiimikada ah.

Maxaa keeno Sanboorka?
Waxaa kaloo kiciyo hargabka, cimillada qabow, cunnooyinka kulul ama dhanaanka ah, cabitaanka aashitada leh, daawooyinka sida “Asprin, Ibuprofen, daawooyinka dhiig karka iyo xittaa daawooyinka sanka lagu buufiyo oo loo isticmaalo sanboorka laftirkiisa way keeni karaan, hadduu qofka la qabsado.

Waxaa kaloo kicin kara isbadalka hormoonada jirka ku dhaca sida xilliga uurka, caadada iyo qaadashada daawooyinka ka hortagga uurka iyo welwelka / diiqada.

MA JIRAAN XANUUNO KALE OO LA XIDHIIDHA SANBOORKA?

  • Cadka sanka kasoo baxa.
  • Caabuqa dhegta.
  • Xiiqda.

SIDEE LOO DAAWEYN KARAA?

Daaweynta sanboorka waxa goaanka qaadan kara dhakhtarkaaga .


Ku daawee Sanboorka Saliid Xabad Sowda:
Cilmibaaris lagu sameeyay 68 qof oo sanboor qabo ayaa waxaa looga daaweeyay saliida xabad sowdada, iyadoo weliba sanboorkii kaga buuray badankood, meesha awal ay qaadan jireen daawooyin dhowrkii maalmoodba weliba qaarkood ay waxyeello daawada ku reebtay.
Cilmibaaristu waxay sheegtay in saliida xabad sowdada subax kasta sanka duleeladiisa min hal dhibic lagu dhibciyo iyadoo gadaal loo neefsanayo, waxaana la wadayaa muddo 6 usbuuc ah, tan oo aad kaga reysan doontid ilaahay idinkii daawo sanboor.
Ilmaha yar ha ku dhibcinin saliida xabad sowdada ee labada farood foodooda saliida mari, kadibne waxaad ku aadinaysaa labada dul ee sanka, waxaana ilmaha amraysaa inuu neefsado, hadduu yar yahay oo uusan amarkaaga qaadan karin, ku hay sidaa muddo 1 daqiiqo ah isagaa si aayar ah u neefsan doono, waa muhiim in ku daaweynta ugu yaraan la wado 6 usbuuc si wax looga garto, kuna dadaal hal maalin in aadan illaawin.