Maxaad Ka Og Tahay Faa’iidooyinka Cunitaanka Suxuurtu Jidhka u Leedahay?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Cuntada xiliga suxuurtu waa cuntooyinka ugu muhiimsan bisha barakaysan ee ramadaanta, culimada caafimaadkuna waxay sheegeen inay suxuurtu ka muhiimsan tahay afurka, sababtoo ah waa cuntada ka caawinaysa qofka in uu u adkaysto culayska soonka, iyadoo ku dhiirrigelinaysa qofka in uu soomo, ajar iyo xasanaad badanina uu ku jiro.

Cuntada suxuurtana waxaa ku jira faa’iidooyin caafimaad oo qofka sooman u suurogelinaya in uu xiliga maalinimo soonkiisa ku dhamaysto firfircooni.

Faa’iidooyinka suxuurta waxaa ka mid ah kuwan”

  1. Cunitaanka suxuurtu waxay qofka sooman ka ilaalisaa madax wareerka xiliga maalinimada
  2. waxay qofka sooman gaashaan uga noqotaa inuu aad u dareemo gaajo iyo haraad badan
  3. Cunitaanka suxuurtu waxay ka hortegaysaa in qofka soomani uu dareemo caajis iyo feejignaan la’aan iyo inuu luloodo.
  4. Cuntada xiliga suxuurtu waxay firfircooni gelisaa dheefshiidka, waxana ay ilaalisaa xadiga macaanka dhiiga ku jira inta la sooman yahay.
  5. Faa’iidooyinka ruuxiga ah ee cuntada suxuurta waxaa ka mid ah inay qofka muuminka ah ka kaalmayso gudashada daacadda ilaahay xiliga maalinimo.

Cuntada suxuurta la qaadanayo waxaa haboon in ay ku jiraan khudrada biyaha badan laga helo sida salladhka, taasoo suurogelinaysa inuu jidhku haysto biyo ku filan muddo dheer, hoosna u dhigaysa in la dareemo haraad iyo qallayl.

Cuntada suxuurtu waa inay ahaataa mid sonkorta iyo milixduba ku yar yihiin, maadaama macaankuna sababo gaajada, milixduna ay sababto haraadka.