Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Daawada omeprazole waa daawo ka mid ah daawooyinka loo isticmaal xanuunka gastric ,daawadan waa daawo ay bulshada soomaalida iyo ethiopianku ay aad u isticmaalaan .
OMEPRAZOLE YAA ISTICMAALI KARA?
Waxa lagula tacaalaa caabuqa ay keento backeriyada caloosha laga helo ee loo yaqaano helocobacter bacteria , acid-ka calooshu markay badato iyo xanuunka loo yaqaano GERD.
Daawadan badanaa waxa ay dadka ku samaysaa
MUDDO INTEE LEEG AYAA AAD QAADAN KARTAA OMEPRAZOLE?
Daawadan waxa qora dhakhtar , kadib marka shaybaadh laguu sameeyo waxa uu kuu qori doonaa muddo 14 cisho .
haddii laga fiirsan waayo dhakhtarka ayaa lagale tashan .
muhiimada koobaad waxa weeyi in qofka 14 cisho marka uu qaato in dib shaybaadh loogu sameeyo, si loo ogaado isbedelka xanuunka laga daweynayo .
hadii uu qofku uu iska qaado waligii waxa dhici karta saamayn caafimaad oo qofku uukasoo kaban waayo .
Tani waxay iyaduna door ka ciyaari kartaa horumarinta kansarka ee nidaamka caloosha iyo mindhicirka. Daraasad 2019 ah ayaa lagu ogaaday in xitaa markii infekshanka helikobacter pylori la ciribtiray, adeegsiga muddada-dheer ee PPIs wali waxay la xiriirtaa laba laab oo halis u ah kansarka caloosha.
MAXAA KEENA IN GASTRIC QOFKU UUKA DAWAYSMI WAAYO?
Badanaa waxa ay ku dhacdaa qofka bukaan socodka ah dhakhtarka uu u tagayo qibrad fiican aanu u lahayn,daawada la siinayo tayadeedu hadday hoosayso ,wakhtiga loogu talo galay daawada oo qofka bukaha ahi aanu dhamaysanayn, dhakhtarka oo aan la socon daaweynta kadib qofkii bukaanka ahaa iyo cuntooyinki qofku uu qaadanayey oo aan loo sixin .
xasuusnow xanuun walba cuntooyin ayuu qofku qaadan karaa loo ogolyahay sidaas si la mid ah cuntooyinkaas waxa ay saamayn karaan daawooyinka .
Marka la dheefsanayo cuntada, calooshu waxay isticmaashaa asiidh gastric si ay u burburiso cuntada. Inta lagu guda jiro hawshan, unugyada caloosha oo la yiraahdo unugyada G ayaa soo saara hormoon la yiraahdo gastrin, kaas oo u tilmaamaya unugyada kale inay soo daayaan aysiidha.
omperazole waxay joojiyaan in aysiidha caloosha la soo saaro.
DAAWADA OMEPRAZOLE MA KEENI KARTAA KANSAR?
Qaadashada wakhti badan sida sanad laba sanno saddex sanno waxa ay kor uqaadi kartaa halista xanuunka kansarka.
waxa lagu booriyaa qof walba oo wakhtigiiloogu talo galay qaatay daawada gastricga in uu dib isku shaybaadho kadib loo qoro nooc kale oo daawo ah .
MAXAA LAGA DHAXLI KARAA OO KALE?
–Waxa ay hoos u dhigtaa heerka vitamin b12 .
vitamin b12 waxa ugu muhiimsan ee ay inoo qabataa waxa ay ka qaybqaadataa dhiigga iyo samaysankiisa.
hab dareeka jidhkeena faaiido badan ayeynu ku qabnaa vitamin b12 hadii ay yaraato dadkeena waaweyn waxa ay yeeshaan xidid wax la yidhaa.
–daawadan waxa ay kor uqaadaa halista caabuqa ku dhaca hawo mareenka.
Badanaa waxa ay ku keentaa qufac joogto ah waa dadka isticmaala daawada omeprazole ama daawooyinka kale ee ay isku qolada yihiin.
–waxa ay u sahaashaa qofka in uu sifudud u jabi karo.
maadama ay ka maqanyihiin qofka fiitaminada VITAMIN B12 iyo fiitamino kale ayaa waxa ay qofka ku sahlaysaa in uu qofku si sahlan u jabi karo.
-waxa ay korkiisa kusoo booddo wadne qabatow.
MAXAA MUHIIM AH?
Hadii daawooyinka gastric ga yareeya aad hore u qaadan jirtay fadlan jooji kadib is shaybaadh ,
hadii ay wali jirto gastric dhakhtarkaaga ama daawoyaqaankaagu ha bedelo nooca daawo ee aad u qaadatid gastric ga si ayna saamayn kuugu yeelan .
haddii shaybaadhkaagu uu noqdo negative ama anay jirin gastric waxa muhiim ah in aad daawada joojiso .
marka aad dawada joojiso waxa muhiim ah in aad saxdid cuntooyinka aad isticmaalaysid .
- yareee isticmaalka jukulaatada(chocolate ka).
- yaree isticmaalka cuntooyinka duxdu ku badan tahay kaliya waxa uwanaagsan hadii qofku uu subag isticmaalayo dhuuxa geela.
- cunooyinka bariiska ,baastada ,laxooxda iyo rodhida dhammaan wax nafaqo ah malaha aan ahayn sonkor fadlan inta xaaladaadu la tacaalidda u baahantahay iska jooji .
- biyo cabista aad ubadso.
- iska ilaali kajabka ,miyanayska iyo kuwo la mid ah.
- jimicsi badan samee.
- miisaankaagu hadii uu aad u sareeyo fadlan yaree.
HADDII AAD SUAAL QABTID NOO REEB FARIIN.