POTASSIUM -HADDI AY KU YARAATO JIDHKAAGA MAXAA KU DHICI KARA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Potassium waa mid ka mid ah macdanaha jidhkeena aadka ugu muhiimka ah.

Habsami u shaqaynta jidhkeena marka la isku wada qaado faaiidooyin aad ubadan ayey inoo leedahay .

faaiidooyinka potassium aynu ka helno.

  • potassium waxa ay kor uqaadaa shaqada muruqyada midhicirada ,waxa ay ka hortagtaa calool istaaga.
  • potassium muruqyada waxa ay siisaa awood ayku sameeyaan fiditaan iyo laabasho taas waxa ay sahlaysaa in aynaan daalin hawl badana aynu qaban karno.
  • awoodda qofku uu wax ku qaban karo waxa ay qayb muhiim ay katahay in qofku aanu daalin .
  • hawo mareenka waxa ay siisaa awood dheeriya muruqa loo yaqaan diaphram waxa uu inoo qaabil sanyahay in uu caawiyo sanbabada iyo hawo mareenka isagana la yidhaa waa muruqa ugu muhiimsan.

DHIBAATOOYINKA LAGA DHAXLO HADDI YARAATO MACDANTA POTASSIUM.

  • calool istaag , sababta calool istaagu u imanaya waxa weeyi muruqyadii midhicirka weyn ayaa sifiican u shaqaynayn sidaas ayey qofku ugu imanaysaa calool-istaagum
  • dawakhaad iyo awood la’aan.
  • cadaadiska dhiigga oo sarreeya (qofka ay ka dhimantahay macdantan potassium waxa kor ukaca oo ku bata dhiiggisa maadada looyaqaan sodium ama milixda ,milixduna waxa ay kicisaa dhiigga cadaadiskiisa).
  • muruqyada oo shaqada gaba muruqa shaqadiisu waxa ay ku xidhantahay macdanaha sida potassium haddii ay yaraato waxa dhici kara in muruqaas shaqada uu gabo ,qofka bukaha ah uu iska jeclaado in uu iska fadhiyo ama jiifo.
  • hawo-mareenka macdantan qaaliga ah waxa ay caawin saaid ah ay siisaa muruqyada ku hareeraysan sida kuwa saablayda sanbabada iyo muruqa hoosta kasoo caawiya si neefsasho u dhacdo ,iswaydaarka macdanaha potassium sodium iyo magnessium macdanahan waxa ay kor uqaadda hawo qaadasho nadiif ah ,haddii ay yaraato qofku sifiican uma neefsado qofkana naqaskaa qabanaya waxa ku adkaanaya hawo kale gadiska.
  • qaraaca wadnaha oo degdega ama wadnaha oo saaid u qaraacma.

SIDEED KOR UGU QAADI KARTAA MACDANTA POTASSIUM?

-Dhakhtar la tasho haddii ay ka hoosayso 3.5 and 5.0 millimoles per liter (mmol/L) marka aad isashaybaadhid.

ISTICMAAL CUNTOOYINKA AY KU JIRTO POTASSIUM

cuntooyinka sida ay ukale horeeyaan ayey ugu kale badantahay macdanta potassium.