FAAIIDOOYINKA CAAFIMAAD EE MISIRKA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Misirku waa cunto aad u dhadhan macaan oo soo jiidasho leh ,sidoo kale waa cunto ka mid ah cuntooyinka aad muhiimka inoogu ah hab difaaceena .

xubnayaasha muhiimka u ah jidhkeena sida wadnaha ayaa ay soo bandhigaan in uu aad muhiim ugu yahay.

WADNAHA.

Wadnuhu waxa uu ka mid yahay xubnayaasha ugu qaalisan jidhkeena ,cuntooyinka aynu isticmaalno faaiidada aynu ka helno waxa uu yahay mid aad ugu tiirsan ,taas waxa ay keenaysaa misirka in aad loo isticmaalo.

misirku waxa uu hoos udhigaa duxda teeda khatarta badan ,subagaas waxa uu wadnaha ku keenaa in uu ku ururo ama ku samayso xidida halbawlayaasha wadnaha taasna waxa ay keenta in xididaas ay xidhmi karaan wadnahana dhaawac aad u weyn uu sifudud ugaadhi karo.

misirku waxa uu aad u yareeyaa duxdaas faraha badan wadnahuna waxa uu ahaada mid caafimad qaba.

waxa uu ka kooban yahay macdano ,fiitamiino iyo barootiin aad muhiim inoogu ah jidhkeena iyo difaaceena, waxa uu u dhigmi karaa halka hilibka ,qofka misirka isticmaala baahi saaid ah oo hilibka uga baahan yahay majirto.

marka qofku uu isticmaalo cuntooyinka ka kooban macdano ,fiitamiino iyo barootiino waxa hoos u dhacaya xanuunada ku dhacaya wadnaha ,qofkuna waxa uu noqdaa mid caafimaad badan .

dhakhaatiirta wadnaha waxa ay soo bandhigeen cilmi baadhis ay sameeyeen oo ay ku sheegayaan qofka isticmaala macdanaha sodium, potassium iyo magnesium in cadaadiska dhiigoodu uu noqdo mid xaalad caadi ah ku sugan 120/80mm/hg.

HOOYADA UURKA LEH .

Hooyada uurka leh ,ilmaha yar iyo qofka da’da ah waxa aynu wada ognahay in ay yihiin saddexda qof ee ugu baahida badan in ay helaan cunto nafaqo leh ama cunto dhamaystiran.

Hooyada uurkaa leh waxa uu faaiido u leeyahay misirku in uu siiyo maadada loo yaqaan folate.

Folate waa mid ka mid ah fitamin-B (fiitamin 9).

faaiidooyinka hooyada uurka leh uu u leeyahay fiitamin-9 waxa weeyi:-

-waxa uu aad uga qaybqaata samaysanka iyo koritaan ilmaha caloosha ku jira.

-waxa ay ka hortagtaa in madaxa inta sare ilmaha ay maskaxdu daboolmi waydo ,taas oo ilmaha ku keeni karta in uu dhiman karo.

-waxa uu hoos u dhigaa macaanka xilliga uurka.

KANSARKA.

Misirku waxa ku jirta maadada loo yaqaan selnium .

-Selinium waxa ay ka hortagtaa kansarka .

-waxa ay hoos udhigtaa unugyada difaaceena marka uu xanuun ku dhaco in ayna jidhka ku sababi karin wax xanuun ah.

DAWAKHAADDA.

Iron-ta oo qofka kayaraata waxa uu yeeshaa dawakhaad .

cuntooyinka ugu badan ee laga helo waxa ka mid ah kalluunka iyo hilibka .

kalluunka iyo hilibka waxa aan qaadan dadka qaar oo caafimaad ahaan awoodi karin waxa ay ku bedelan karaan misir .

MISIRKU MAXAA UU KA KOOBAN YAHAY?

  • folate.
  • iron.
  • manganese.
  • phosphorus.
  • thiamin.
  • potassium.
  • vitamin B-6.
  • riboflavin
  • niacin
  • pantothenic acid
  • magnesium
  • zinc.
  • selenium