FAAIIDOOYINKA CAAFIMAAD EE FIITAIN E-GA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Miyaad garanaysaa faaiidooyinka caafimaad ee uu leeyahay fiitamin E.

Warbixintan waxa aynu kaga hadli doonaa , faaiidooyinka fiitamin E-ga Iyo xanuunada uu daawada u yahay.

fiitamin E waxa laga helaa furuutka , salliidaha ,afakaadada iyo meelo kale oo aad ubadan .

MUXUU INOO QABTAA FIITAMIN E?

  1. NADIIFIYE WANAAGSAN OO JIDHKA AH.

waxa uu qurxiyaa maqaarka isaga oo meesha ka saaraya uskagga iyo unugyada dhintay ee maqaarka.

2.SAMAYNTA UNUGYADA CAS-CAS EE DHIIGGA.

Waa caawiye aad ugu wanaagsan ama ka qayb qaata samaynta unugyada cascas ee dhiigga .

hooyada uurka leh fiitamiin nada ay qaadato ayuu ka mid yahay fiitamin E-guna si ilmaha looga hortago in ay ku dhacdo dhiig la,aan.

3. XANUUNADA MAANKA/MASKAXDA KU DHACA.

xanuunada ku dhaca maskaxda iyo maanka waxa uu u yahay ka hortag .

hadii qofka aanu qaadan fiitamin E ku haboon ,sida ay caddeeyeen aqoon yahanada research ka samaysa waxa uu qofkaas uu halis u yahay xanuunada maskaxda ku dhaca.

waa in aad qaadataa xaddi kugu filan oo fiitamin E ah si aad uga hortagto xanuunada ku dhaca maanka iyo maskaxda.

4. KA HORTAGGA COODH-COODHKA.

Da’du marwalba oo ay sii waynaato waxa meesha ka baxa is haysanaanta maqaarka, fiitamin E waxa uu ka hortagaa coodhcoodhka iyo in wajigaaga ay ka muuqato da’du.

5. Waxay hoos u dhigtaa qadarka kolestaroolka waxayna ka caawisaa ilaalinta dheelitirka asiidhka dufanka leh ee jirka. Intaa waxaa dheer, waxay ka hortagtaa xannibaadda shaqada tayroodh iyo qanjidhada pituitary.

6.Isticmaalka fitamiin-E wuxuu yareeyaa halista dhibaatooyinka sida Alzheimers, ka sokow wuxuu sidoo kale kaa caawinayaa la dagaallanka kansarka. Sida lagu sheegay cilmi-baaris, dadka qaba kansarku waxay leeyihiin qadar yar oo fitamiin E ah oo jidhkooda ah.

7.Faytamiin E ku filan ayaa kaa caawinaysa dhimista khatarta cudurka macaanka. Waxay faa’iido u leedahay ka hortagga kansarka naasaha, xoojinta nidaamka difaaca iyo sidoo kale ka hortagga xasaasiyadda.

8.Ka ilaali fallaadhaha cadceedda ee UV – Vitamin-E wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa ka ilaalinta qorraxda ultraviolet ee waxyeellada leh. Faytamiin-E wuxuu ka ilaaliyaa dhibaatooyinka sida gubashada qorraxdu ama dareenka sawir-qaadista.

waydiimaha si toos ah noosoo waydii.