FAHAMKA HEERKA OXYGEN.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

cabirada kale ee PR(PULSE RATE WAXA LAGA RABAA NORMALKA 60—150BPM), Halka ka kale ee PI%(Perfusion index normalkuna uu yahay 0.02% to 20%) labadaba waxa ay la xidhiidhaan qaraaca wadna.

Cabirka heerka hawada oxygen ee aynu qaadanno , iyada oo la cabirayo inta hawo ee ay xambaarsanyihiin unugyada cascas ee dhiigeena, maadaama unugyada cascas ay kudul yaalaan unugyada loo yaqaan hemoglobin.

jidhku waxa uu aad ugu baahan yahay xaddi oxygen ah hadii uu waayo si hufan uma shaqaynayo.

Dhab ahaantii heerka oxygen hadii hoosayso ,jidhku waxa uu muujin doonaa calaamado khatar badan , xattaa qofku uu miirdoorsoomo.

Heerka oxygen marka ay dhiigga ay ku yaraato waxa loo yaqaan hypoxemia.

Heerka oxygen marka ay hoosayso waxa laga arki karaa maqaarka , maqaarka oo isku bedela buluug(blue).

Xaaladaas waxa loo yaqaan cynosis, waxa sifiican uga muuqdaan ciddiyaha iyo baabocooyinka.

Caruurta yar-yar waxa laga arkaa dhamman jidhkooda .

DADKEE AYAA AY OXYGEN HOOSAYSAA?

Xanuunada ku dhaca dhammaan jidhkeena sida wadnaha , kelyaha iyo xubnayaasha waaweyn waxa laga filaa qofkaas in heerka maadada oxygen in ay hoosayn karto ,maadaama xaalad caafimaad darro ay timid.

dadka gu badan ee ay dhacdo maadada oxygen waxa kamid ah dadka qaba xanuunadan:-

  • xanuunada ku dhaca hawo-mareenka.
  • xanuunada ku dhaca wadnaha.
  • xanuunada ku dhaca kelyaha.
  • xanuunka macaanka.
  • dhiig la’aanta.
  • faaligga.
  • Ilmaha yar ee caloosha ku jira ,haddii ay hooyadu ku raagto foosha.

CALAAMADAHA LAGU GARTO IN OXYGEN-TU HOOSAYSO.

  • Neef qabatow.
  • Degenaanshiyo la’aan.
  • Madax-xanuun.
  • Baabocooyinka , dibnaha iyo ciddiyaha oo buluug noqda.
  • Hawo-qaadasho badan oo degdeg badan.
  • Maan-dhaaf.
  • Laab-xanuun.
  • Qabow jidhka ah.

SIDEE LOO CABIRAA HEERKA OXYGENTA?

Cabirka heerka oxygenta- waxa loo cabiraa hababkale duwan ,waxa ugu caansan meel walbana laga heli karaa mishiinka loo yaqaan pulse-oximeter .

Heerka caadiga ah ee ogsijiinta badanaa waa 95% ama ka badan. Dadka qaarkiis oo qaba cudurrada sambabada ee joogtada ah ama apnea hurdada waxay yeelan karaan heerar caadi ah qiyaastii 90%.

HADDII OXYGEN-TU HOOSAYSO QALABKEE AYAA LA ISTICMAALAA.

Haddii heerka oxygen ay hoosayso iyada loo eegayo heererka cabirka waxa la isticmaalayaa qalabkan:-

a) 80—90% oxygen concentrator.

oxygen concentrator waxa ay qofka siisa 0–10litter oo hawada oxygen ah , xadhigga ku xidhan ee sanka qofka loo galinayo waxa loo yaqaan nasal cannulla.

b) wixii ka hooseeyaa 80% oxygen waxa la isticmaalaa cylinder oxygen.

cylinder oxygen waxa ay qofka siisaa xaddi hawo oo oxygen ah 0–12litter.

Haddi qofku uu qaadan kari waayo oxygen waxa bata qashinka carbon-ka kadib qofka waxa lagu xidhaa mishiin loo yaqaan ventilator.

BADANAA DHAKHTAR AYAA GOAAMINAYA XAALADU HADDAY INTAAS KUSII CUSLAATO

Haddi aad suaal qabtid noo reeb suaasha.