Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Gabadh walba oo uur-qaada waxa muhiim ah in ay taqaano calaamadaha khatarta ah ee xilliga uurka lasoo gudboonaan kara.
Maadaama xaaladdan hawlo aad uculus lasoo darsayaan hooyada uurka leh waxa muhiim ah in ay kafogaato waxyaabaha halista badan sida orodka , shaqada adag , sonkorta badan , milixda badan iyo fuulista goobaha dhaadheer.
Calaamadaha khatarta badan waxa laga dhaxli karaa ama ay calaamad u tahay xanuuno sida macaanka , dhiikarka ,wadne xanuunka , kelyo xanuunka ,faaligga iyo dhiig la’aan.
CALAAMADAHA WAXA KA MID AH :-
Haddii aad calaamadahan aad isku aragtid si degdeg ah u aad goob caafimaad sida cusbital ama xanaanada daryeelka hooyada iyo dhallaanka.
- Dhiig xubinta taranka ,dhiigga xubinta taranka kasoo baxaya hooyada oo uur leh waxa ay muujinaysaa xaaladcaafimaad darro oo soo wajahday ilmo galeenka .
- Gariir , gariirka waxyaabo badan ayaa keeni kara sida cadaadiska dhiigga oo sarreeya taasna aadbay u khatar badan tahay ,marwalba oo gariirku uu sii bato halis waxa gala ilmaha waxa uu waayaa heerka hawda oxygen ,sidaas darteed hooyada waa in si degdeg ah loo geeyaa goob caafimaad.
- Madax-xanuun daran, waxa uu muujin karaa madax-xanuunku xaalado badan oo la xidhiidhi kara xaddiga dhiigga ,
- Xummad/kaar iyo awood la’aan saaid ah, waxa ay muujinayaan tamar darro iyo hadii ay jirto xumad badan iyo qandho in caabuq uu jiro .
- Xanuun aad u daran iyo cassiraad uurku jirta ah ,waa arin aad muhiim u ah in la eego oo dhakhtarku aad ugu bogto ,casiraaddu aadbay ugu badantahay hooyada uurka leh maadamaa muruqyada makaanku uu la kale baxayo markasta oo ilmuhu uu koritaan uu sameeyo way yeelanaysaa , xasuusnow marmarka qaar fooshu way yeelan kartaa casiradda iyo xaalado badan oo caafimaad darro.
- Hawo-qaadasho degdeg ah iyo naqaska oo qabta , uurka hore hooyada waalagu arki karaa maadaama hormone ka loo yaqaan progestrone uu badanayo , waa in aad loo hubiyaa in ay sidoo kale jiraan xanuunada ku dhaca hawo mareenka .
- Bararka lugaha , gacmaha iyo wajiga ,haddii ay calaamadaha bararka isku aragto hoyadu waa in ay goob caafimaad ay aado si xaaladan loo ogaado waxa si dhab ah u keenaya.
CALAAMADAHAN HA SAHASHAN , WAX DAAWO AHNA HA U QAADAN ILLAA AAD LA KULMAYSID DHAKHTAR AMA UMULISO .
FADLAN GOOB CAAFIMAAD GAADH.