Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Aspirin waa daawo loo qaato marka ay jiraan xumadda iyo kaarka badan.
Da’ ahaan waala qaataa da’ walba laakin waxa uu aad ugu khatar badan yahay caruurta yaryar.
Xanuunka aadka u daran ee ku dhaca caruurta ee loo yaqaan REYE’S SYNDROME waxa keena ama sababa daawada aspirin ,badana xanuunkan waxa uu ku dhacaa caruurta da’doodu kahoosayso 10 jirka.
Reye’s (Reye’s syndrome) waa xaalad naadir ah balse halis ah taasoo barar ku keenta beerka iyo maskaxda.
Cudurka ‘Reye’s syndrome’ wuxuu inta badan saameeyaa carruurta iyo dhalinyarada ka soo kabanaya caabuqa fayraska, badanaaba hargabka ama hablo-baasta.
Marka aad ilamahaaga ka dawaynayso qandho iyo xanuun waxa aad siin kartaa paracetamol ,ibuprofen iyo xanuunbaabiyeyaasha kale ee aan u baahnayn warqad dhakhtar.
Aaad ugale tasho dawoyaqaanka iyo dhakhtarka xanuun baabiiyeha ilmahaaga aad siinaysid.
ASPIRIN HA SIIN ILMAHAAGA WAXA UU KU KEENI KARAA MASKAXDA IYO BEERKA OO BALAADHA AMA BARARA.
CALAAMADAHA LAGU GARTO XANUUNKA REYE’S SYNDROME .
Cudurka Reye’s syndrome, heerka sonkorta dhiigga ilmaha ayaa caadi ahaan hoos u dhacda marka heerarka ammonia iyo aysidhka dhiiggiisa ay kor u kacaan. Isla mar ahaantaana, beerku wuu barari karaa oo wuxuu yeelan karaa kayd dufan leh. Barar ayaa sidoo kale laga yaabaa inay ka dhacaan maskaxda, taas oo keeni karta suuxdin, gariir ama miyir beelid.
-Carruurta ka yar da’da 2, calaamadaha ugu horreeya ee Reye’s syndrome waxaa ka mid noqon kara: Shuban Neefsasho degdeg ah.
-Carruurta waaweyn iyo kuwa qaan-gaarka ah, calaamadaha hore iyo calaamadaha waxaa ka mid noqon kara:
A) matag joogto ah ama mid googoos ah.
B) Hurdo aan caadi ahayn ama caajisnimo.
CALAAMADAHA KALE EE LAGU ARKI KARO WAXA KA MID AH:-
-Ilmaha oo dabeecadiisu ay is bedeshesho.
-Jaho-wareer badan.
-Diciif lugaha ah iyo gacmaha.
-Gariir.
-Caajisnimo badan.
-Heerka miyirka oo hoos u dhaca.
MAXAA SABABA REYE’S SYNDROME.
illaa hadda wax sababa lama garanayo laakiin waxa loo aanaynayaa in aspirin uu keeno .
YAA HALIS UGU JIRA?
caruurta yaryar oo la siiyo aspirin marka ay jiraan xanuunada durayga iyo kaarka badan.
HADII AAD CALAAMADAHAN KU ARAGTID ILMAHAAGA FADLAN HORE DHAKHTAR U GEE.
-Gariir joogto ah.
-Mantag .
-Hurdobadan.
-Cajisnimo.
-Miir doorsoon.
Daaweynta iyo la tacaaliddda xaaladan waxa lagula tacaali karaa oo qudha dhakhtar.