MAXA AY DHAGUHU II CUNCUNAAN?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Dhaguhu waa xubnayaasha muhiimka u ah qofka ibnu adamka ah , xaaladaha caafimaad darro ee lasoo darsaa waa dareen baaxad leh oo qofku si degdeg ah u dareemi karo isla wakhtiga xaaladu lasoo daristo.

cun-cunka dhegta waxa uu ka bilaabma dhegta afaafkeeda hore ,tuunbada dheer ee isku xidha qaybta pina-ha ee hore ilaa dareen wadka dhegta ee auditory nerve , da’ walba waa uu saameeyaa ha u badnaadan caruurta yaryar iyo dadka waaweyn.

cun-cunka dhegta marka aynu dareeno badanaa waynu xoqnaa , khatar badan ayaa ka dhalata hadii dhegta shay walba oo ku dhow lagu xoqo sida qoryaha, furka qalinka iyo qalabka kale duwan ee dhegta lagu xoqo.

waxyaabaha loo aaneeyo in cuncunkan ay keenaan waxa ka mid ah :-

XASAASIYADDA MAQAARKA.

Maqaarka dhegta ilaa guduhu waxa ay muujin karaan cun-cun , marka ay xasaasiyadu kacsantahay waxa ka jawaaba hab difaaceena sababtaas ayaa uu cun-cunku usoo gaadhayaa dhagaha.

waxyabaha ugu badan ee keeni kara xasaasiyadda maqaarka ee marka danbe gaadhaya dhamman jidhka waxa ka mid ah ,shaanbooyada qaar , cadarada , qaniinyada xayawaanka ,dhogorta xoolaha iyo cuntooyinka qaar.

agabka dhagaha la galin karo sida kuwa ka samaysan biraha copper ,caagagga iyo qalabka dhagaha lagu eego kaas oo sababi kara cun-cun iyo xasaasiyad dhagaha ah .

CANBAARTA IYO XANUUNADA MAQAARKA KU DHACA.

Xanuunada maqaarka ku dhaca sida canbaarta iyo caabuqyada kale duwan ee ku dhaca maqaarku waxa ay keeni karaan in caabuqu uu gaadho dhagaha sidaas fududna uu ku muujin karo calaamada cun-cunka.

NADIIFINTA DHAGAHA .

Galinta suufka dhegta lagu nadiifiyo & faraha waxa ay sababi karaan in maqaarka dhegta gudihiisu uu jilco si fududna ay uga faaiidaysan karto bakteriyada kadib xanuun ayaa ka dhalan kara calaamada ugu badan ee keenta waa cun cun

sida ugu wanaagsan ee loo nadiifiyaa waa adiga oo nadiifiya dhegta dhukayga inta kuu muuqata adiga oo aan ku xoqayn .

haddii dhukaygu uu adkaado fadlan la xidhiidh dhakhtarkaaga , sidoo kale hadii aad suufka isku dhaawacdid.

CAABUQA KU DHACA DHAGAHA.

Dhegta hadii uu caabuq uu soo gaadho calaamadda ugu horaysa ee lagu arkaa waa cun-cun saaid ah .

Hadii aad u xoqdid dhaawac badan ayaa dhegta soo gaadhi kara hala daweeyo ee goob caafimaad aad.

waxyaabaha ugu badan ee cabuqa dhegta keena waxa ka mid ah :- dhegta oo biyo gaadhaan xilliga la maydhanayo ama dhegta loo dhigo, qanjo xanuunka , xasaasiyadda iyo durayga .

QODOBADAN IYO QODOBO KALE AYAA KEENI KARA CUNCUNKA DHEGTA WAXA MUHIIM AH HADII CUNCUN SAAID AH HADII AAD ISKU ARAGTID IN AAD GOOB CAAFIMAAD AAD AADID .

CAABUQA DHAGAHU AADBUU UQADAR BADANYAHAY MASKAXDA MARKA LA EEGO AADBAY DHEGTA UGU DHOWDAHAY .CAABUQA DHEGTA KU DHACAA MASKAXDA SIFUDUD AYUU U GAADHAA MASKAXDA.