AAD UGA TAXADIR DAAWOOYINKA SANKA LAGU SHUBO.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Dad badan ayaa isticmaala daawooyinka sanka laga qaato sida daawooyinka lagu yareeyo cabudhka iyo dareeraha sanka.

Si ay u yareeyaan astaamaha durayga sida hindhisada ,cabudhka & duufka.

Dadku aad ayey u jecelyihiin isticmaalka daawooyinka cabudhka biiya waayo cabudhku waa xaalad aad u daran oo kaa khalkhalinaysa jawigaad ku jirtay .

Muddo kabadan 3 cisho hadii aad isticmaashid waxa jidhkaagu uu samaynayaa la qabsi .

Mar hadii daawada aad la qabsatid xanuunku kaama tagayo oo waa uu kugu soo noqnoqnayaa.

Ciriirga sanku uusii badanayaa ,hawo kugu filan ma qaadan kartid ,dhaawca gaadhaya sanku uu sii badanayaa sida ugu degdega badan waa in aad ula xidhiidhaa dhakhtarkaga ama mihnadle caafimaad.

Daawooyinka sanka lagu buufiyo ta u mudan waa biyaha dhanaan ee loo yaqaan normal saline waxa ay baabiisaa cabudhka , sanka iyo dulalka waxa ay siisaa qoyaan .

Daawooyinka loo yaqaan steriods-ka ee xasaasiyad hoos udhiga iyaga waxa la isticmaalaa marka ay xaalad ay timaad, ha iska qaadan dhakhtar la’aan aadbay u khatar badan yihiin.

  • Isticmaal saline si aad sanka u nadiifisid xiliyada ay jiraan durayga iyo cabudhku.
  • Ha isticmaalin daawoyink sanka lagu shubo ee ka kooban daawooyin kale duwan.
  • Isticmaal nalka nuugista si aad sanka ugu nadiifiso ilmahaaga , marka hore tuuji nalka ,labada dul ee sanka mid kamid ah u gali caarada nalka ,tuujinta jooji nalku waxa uu bilaabi doonaa in uu soo nadiifiyo sanka waxa uu dibada usoosaari doona xab is jiidanaya.
  • U isticmaal humidifier qaboojiye qolka ilmahaaga. Tani waxay kaa caawin kartaa qoyaan hawada iyo nadiifinta marinnada sanka ee ilmaha. Nadiifi oo ka qalaji huurka maalin kasta si aad uga hortagto wasakhowga bakteeriyada iyo caaryada.

DAAWOOYINKA AAN AHAYN SALINE AAD UGA TAXADIR.

SALINEwaa biyo milix ka samaysan oo wershadaysan , wax saamayn ah maleh .