11 CALAAMADOO OO LAGU GARTO BEERKA OO SHAQADA GABA.

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

liver cirrhosis waa marka unugyada caafimaadka qaba beerku ay dhaawacmaan oo aanay si fiican u shaqayn karin.

unugyada beerka ee dhaawacmay/bararay ayaa xannibaya socodka dhiigga ee beerka gudihiisa.

Tani waxay dishaa unugyada caafimaadka qaba ee beerka waxayna dhaawacdaa unugyada.

Haddii beerku uu shaqada uu joojiyo waxa xal ah in beerka la bedeo , hadii beerka dhinac caabuq uu kaga dhaco waxa xal ah in intaas la jaro.

Ibnu adamka hadii beerka caabuq kaga dhaco lama dawayn karo , halka xayawaanka hadii uu dhawac kaga dhaco iskii uu u bogsado.

Xalka kaliyaata ee aan kaga hortagi karno waa qaab nololeedkeena oo aynu bedelno .

Xaaladan waxa balaadhanaya beerka ,waxa dusha ka fuulaya unugyo adag oo urursan sida finanka oo kale, xaaladan oo ku hogaaminaysa in uu beerku shaqada sifiican u qaban waayo ,waxa ka mid ah burburinta cuntada oo uu beerku soo saaro darere ka qayb qaata burburinta cuntada kuwaas oo sifiican u shaqayn waaya , xaddiga dhiigga oo qofka hoos u dhaca (dhiig la’aan) iyo in beerku uu balaadho.

Beerku hadii uu xanuunsado sidan ayaa loola tacaalaa :-

  • Hab nololeedka qofka ayaa waxlaga bedelaa sida cuntada iyo jimicsiga .
  • Daaweyn.
  • Qalniin.

XAALADAHA UU MARO- BEERKA XANUUNSAN.

Xaaladaha uu maro beerka xanuunsan waa 1–4 xaaladood oo midba midka kale ka xaalad adagtahay .

CALAAMADAHA LAGU GAGRTO IN UU BEERKU DHAAWACAN YAHAY.

  1. HURUUD.

waa xaalad indhaha iyo goobaha jilicda-san aynoqonayaan huruud.

2. TABCAAN BADAN.

Tabcaan iyo awood darro saaid ah oo qofka ka muuqata.

3. CUNTO-XUMO.

Abateed la’aan ,lalabo iyo dibiro saaid ah ayaa badanaa qofka lasoo darista taas oo yaraysa baahidii badnayd ee uu qofku ugu baahanayey cunto.

4. MIISAANKA OO LUMA.

Miisaanka lumaya waxa u sabab ah cunto xumada .

5. YALAALUGO IYO MANTAG.

Mantagga iyo laalugada waxa sababaya khalkhalka ku dhacaya faldajiyeyaasha beerku uu soo daynayo ee ka qayb qaadanaya cuntada burburinteeda kadib calooshu waxa ay dareemaysaa caafimaad darro sababtaas ayey ku imanayan mantagga iyo laalugoduba.

6. KAAR UURKU JIRTA AH .

Maadaama beerku uu bararayo waxa lagu qaldaa dibiro caloosha ah ,baraarka beerku waxa uu cadaadinayaa xubnihii kale kadib cadaadiskaas waxa uu sababayaa kaar.

Kaarka waxa loo qaybiyaa saddex kaar sahlan , kaar iyo kaar aad u haya qofka .

7. DACIIF .

8. CAGAHA OO BARARA.

Bararka lugaha iyo kale goysayada jidhka waxa ku keena qofka beer xanuunka leh waxa hoos u dhacda maadada loo yaqaan albumin , oo uu beerku uusoo saaro.

maadadan waxa ay ka qaybqaadata inayka hortagto xidida liiga ee dhiiga kusiidaaya unugyada kale.

9. NEEF QABATOW.

Bararka badan iyo dibirada ayaa keenaya in naqasku ama neef qabotow qofku uu dareemo.

10. CUN-CUN MAQAARKA AH.

xoqxoqitaan saaid ah ayuu qofku maqaarka ku yeelanaya waxaa ugu wacan beerka xanuunsan.

11. XUMAD.

Badanaa dadka xanuunkan beer xanuunka uu ku dhaco waxa ay yeeshaan xumad saaid ah .

WAXYAABAHA BEERKA DHAAWACA WAXA KA MID AH :-

  • Qofka oo iron badan qaata.
  • Balwadaha iyo maandooriyaha.
  • Fayrasyada kale ah B & C.
  • Beer subaga.
  • Sunta .

KA HORTAG.

Ilaali beerkaaga oo ka hortag dhaawac.

  • Ka fogow isticmaalka alkoolada iyo maandooriyeyaasha kale.
  • Cuntooyinka wadooyinka ama la shiilo .
  • Xaddee miisaanka .
  • Isticmaal shaah yar .
  • Jimicso maalin walba.
  • Ka fogow sigaarka iyo tubaakada.
  • Isticmaal sonkor yar.
  • Cuntadaada dheeli tir.