Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Waa mid ka mid ah kansarada aan badnayn ee lasoo darsa qofka aad iyo aadkana u khatar badan waxa loo yaqaan kansarka ay keento gastric(gaastariga).
Xaaladaha hore waa ay adagtahay in la xaqiijiyo kansarka caloosha maadaama ay calaamado badan ay ka simanyihiin xanuunada ku dhaca uurkujirta sida xundhurta ,gastriga iyo ameebada.
CALAAMADAHA LAGU GARTO KANSARKA CALOOSHA .
- MIISAANKA OO LUMA.
Miisaanka oo si degdeg ah u lumaa waa calaamadda ugu weyn ee kansarka ku dhaca caloosha sida ay xaqiijiyeen dhakhaatiirta ku takhasuustay caloosha ururkaas oo loo yaqaan NCI National Cancer Institute .
qofka oo aan dedaal ku bixin inuu miisaan lumiyo sidoo kalena aan cuntadiisa aan dheelitirin ,hadii iskii uu miisaanku u lumo waxa ay calaamad weyn ay u tahay kansarka ku dhaca caloosha.
2.LAAB-JEEX.
Laab-jeex/laab-olol/laab-dilaac waxa uu dhacaa badanaa marka uu jilco albaabka ukale dhexeeya hunguriga iyo caloosha ee loo yaqaan cardiac sphenicter ,cuntadii oo la burburinayo(caloosha) ayaa albaabkii maadama uu furanyahay cuntadii iyo qaacii waxa ay dib ugu soo laabanayaan hunguriga taasana keenaysa in laab-jeex saaid ah uu dareemo qofku .
laab-jeexa waxa aad dareemaysaa marka aad qaadatid cuntooyinka saliida leh.
Haddii aad maalintii,usbuuci ama bishii aad laba jeer waxkabadan aad dareentid laab-jeex fadlan ha isasii eegan ee hore u gaadh dhakhtarka uurku jirta si xaaladaada loola tacaalo.
3. MANTAG IYO YALAALUGO/LALABO.
Mantaga iyo yalaalugadu waa xaalad caafimaad darro oo muujinaysa in caloosha cilad ka jirto .
Haddii mantagga uu dhiig la socdo badanaa marwalba aad dareentid mantag iyo lalabo xaladaadu aadbay ugu baahantahay dhakhtar fadlan calaamadaas ha dhayalsan.
4. CUNTO-XUMO.
Xanuunkuu doono ha ahaado ,waxa luma doonista cuntada ,kansarka caloosha kudhacana waa sidan oo kale oo qofku waxa uu wajahayaa cunto xumo, degenaanshiyo la’aan xaga caloosha ah taas oo dhibkugu ah.
5.SAXARRO DHIIG-LEH.
Saxarada oo uu dhiig ku jiro waa xaalad caafimaad darro ka jirta hab-burburinta cuntada ,waa calaamad weyn oo muujinaysa in xaalad aad u daran ay jirto oo uu ka mid yahay kansarka ku dhaca caloosha.
Xaaladan hore hadaad iskugu arki jirtay sidoo kale ay kugusoo noqnoqoto wakhti dheer fadlan dhakhtarka booqo.
6.GUUX CALOOSHA.
Caloosha oo guuxda,dibiro iyo degenaanshiyo la’aan waa xaalad badana lagu arko xanuuno badan oo ay kamid yihiin xanuunka ameebada iyo kansarka caloosha , qofka marka la saxo ciladda caloosha ka jirta badana qofku uuka dawaysmaa ,kansarka ku dhaca caloosha isagu uu ka duwanyahay oo inta xaaladan ay jirto qofku uu yeelanayaa .
7.DAAL SAA’ID AH.
Marmar waxa aad dareemaysaa daal saa’id ah ,bilaa awood.
Kansarka calooshu waxa uu sababayaa in unugyada cascas ee dhiigu ay hoos ayey udhacayaan sababta ugu weyn waa hab-difaacaaga oo aad ula dagaalamaya caabuqa jira sababtaas ayuu qofku u dareemayaa dhiig la’aan calaamada ugu weyn ee dhiig la’aantuna waa daal saa’id ah.
8. DHEREGSANAN .
Qofka oo marwalba dibirsan ,cuntada oo saxsan qaadashadeedu laakin hadana hadii uu cuno iyo hadii kale aanu dareemayn isbedel.
Haddii aad xaaladan isku aragto waxbadan ayaa ka qaldan calooshaada la tasho dhakhtar.
9. CALOOL XANUUN.
Cassiraada saaidka ah ee soo noqnooqta waxa loo aaneeya kansarka caloosha ku dhaca.
Kaarka ka sareeya xundhurta waa calaamad muujinaysa fiixis.
Cassiraadda joogtada ah fadlan la wadaag dhakhtarkaaga.
KANSARKA KU DHACA CALOOSHA MAXAA SABABA?
Waxyaabaha keeni kara kansarka caloosha waxa ka mid ah :-
- Miisaanka saaidka ah.
- Caabuqa gastric-ga ee ay keento bakteriyada H.pylori.
- Cunidda badan ee cuntooyinka shiilan .
- Jimicsi la’aanta.
- Isticmaalka balwadaha.
- Cunidda badan ee hilibka.
- Haddii qoysku dhaxal u leeyihiin kansarka caloosha.
KANSARKA CALOOSHA KU DHACA IMISAA LOO QAYBIYAA?
Kansarka caloosha ku dhaca waxa loo qaybiyaa qaybaha kale duwan ee calooshu ay ka koobantahay.
Calooshu waxa ay ka koobantahay 5 qaybood oo kale sarsareeya , kansarka caloosha ku dhaca mid walba waxa loogu magac-daraa halka uu kaga dhacay.
MAXAA LAGU XAQIIJIYAA?
Waxa lala kulmaa dhakhtar ,dhakhtarku waxa uu samayn doonaa waraysi mugleh ,warbixino ayaad kale qaadan doontaan ,dhakhtarkaas waa dhakhtar takhasus uurku jirta ah .
- Endoscopy -waxa lagu dhaadhiciyaa tuunbada caloosha lagu eego ee kamaradda wadata.
- SAWIR – ayaa qofka la saaraa kaas oo lagu xaqiijinayo in xanuunku uu jiro ,heerka uu marayo iyo boogta xanuunku halka ay ku taal.
Xaalado badan oo labadan aan ahayn ayaa lagu xaqiijiyaa dhakhtarka ayaa goaankaa qaadan kara.
TALO!!!!.
Calaamadaha kor kuxusan hadii aad leedahay ,waxyaabaha sababa xanuunka hadii qodobo ka mid ah aad leedahay fadlan dhakhtar hore ugaadh .
Nala soo xidhiidh hadii aad u baahantahay in lagu tilmaamo.