Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Tiirka labaad ee islamku waa sallaada ,sallaada waxa aynu ka helnaa faaiidooyin badan oo caafimaad ,maanta waxa aynu ka warami doona caafimaadka ku jira sujuudda
Marka aad sujuuddo muruqyadaada qoortu waxa ay helaan awood ay ku xajiyaan dhulka inta kale ,labada gacmood muruqyadooduna waxa ay noqdaan qaar xoogan ,tan waxa aynu ka helnaa xooganaan iyo awood rabbaani ah oo aynaan ka helin jimicsiyada kale ee aynu maalinti si joogto ah u samayno.
Muruqyadu inta ay shaqadan ay kujiraan waxa soo gaadha dhiig awood badan ,dhiigaas soo gaadhaya madaxa waxa uu ka yareeyaa isku-buuqa ,degenaanshiyo laanta ,xanuunka/kaarka madaxa iyo culaysyada madaxa .
Muruqyadaas waxa ay noqonayaan qaar awoodaysan oo jimicsaday.
Marka aad sujuudda dhulka aad dhigtid ,muruqyada wajigu way guujismaan taas waxa ay ka hortagysaa gabowga , waxa aad ka dhaxlaysaa firfircooni iyo nashaad.
MURUQYADA UURKU JIRTA IYO SUJUUDDA.
Qaabka aad usuujdaysaa waxa ay caafimaad ugu jira dumarka oo calooshooda qaybta makaanka awood fiican ayey siiyaan muruqyadan isku ururaya marna kale baxayaa.
Ragga muruqyada ku hareeraysan xubnaha taranka waxa ay siisaa awood iyo jimicsi taas oo ka caawinaysa marwalba in uu awood badan ay yeeshaan ,
SALAADU WAA CIBAADO NOLOSHEENA DHINAC WALBA INAGA KAABTAY.