Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
RAG IYO DUMAR MAXAA FAAIIDO GU JIRTA?
Testestrone waa hoormoonka jinsiga ,hoormoonka oo ka ciyaara qayb laxaadle horumarinta,koritaanka xubnaha taranka ragga iyo qanjiga prostate.
waxa uu ka qayb-qaataa qaangaadhnimada ragga sida murqaha ,soo bixidda timaha sare iyo timaha hoose.
shaqada ugu weyn ee uu inoo qabto ragga waa horumarinta xubnaha taranka si ay usoosaaraan ugxan awood badan .
Ragga iyo dumarka marka la is barbar dhigo ,dumarku aad ayey uga yaryihiin marka lagarab dhigo ragga oo waxa aad ka garan kartaa murqaha ,walow uu ragga iyo dumarka uu u qabto shaqo badan hadana marwalba shaqadiisa labaduba way usiman yihiin.
Xaddiga caadiga ah ee laga rabo in dhiiga laga helo hoormoonkan marka la eegayo dumarka iyo ragga:-
DUMARKA: 15 to 70 nanograms per deciliter (ng/dL).
RAGGA: 280 to 1,100 ng/dL
Dumarka qaar ayaa uu hoormoonku uu ka bataa inta caadiga ah taas oo keenta in calaamadahan ay yeeshaan :
- Muruqyo-waaweyn.
- Codka oo weynaada.
- Timo-badan oo wajiga ah.
- Dhiiga caadada oo khalkhala.
- Finan badan .
Hal calaamad wax ka badan ayey gabadhu yeelanaysaa , in xogtan dhakhtar la wadaagtaa waa muhiim.
Dumarka hadii uu ku bato waa u dhibaato.
Ragga hadii uuku yaraadona waa madhalaysnimo.
RAGGA HADII UU KU YARAADO TESTESTRONE MAXAA LAGU GARTAA?Sida aynu soo sheegnay testestrone waa hoormonka ragga kuwooda ugu muhiimsan haduuna ahayn ka ugu muhiimsan.
calaamadaha waxa ka mid ah :-
- AWOODDI MURUQA OO HOOS UDHACDA.
Hoormoonkan waxa uu ka caawiyaa in muruqu noqdo mid awood bada , ubabacdhigi kara awooodda shaqo ee uu qabanayo ,dhammaan murqaha oo dhan .
- AWOODDA LAFAHA OO HOOS UDHACWEYN KU YIMAADO.
Testosterone waxay caawisaa inay soo saarto nudaha lafaha waxayna ilaalisaa mugga lafaha.
Haddii uu hooseeyo testesterone awoodda lafaha iyo xajmigeeda quwadeed hoos udhac weyn ayaa ku yimaada ,waxa sahlaya in ay si fudud u jabto.
- HAMADA OO RAGGA KA GUURTA.
Awoodda muruqu ku adkaysanayo ilaa dhamaadka biyaha ayaa meesha ka baxda ,awoodda biyaha taranka iyo tirada ugxanta ayaa hoos u dhacweyn uu ku yimaadaa maadaama uu ka qayb qaadanayey hoormonka testesterone samaysanka manida iyo unugyadu in ay qaan-gaadhaan.
Ma awoodayo in uu hamoodo taasna waxa ay ku keenaysaa ma dhalaysnimo.
- HOOS U DHAC AWOODDA QOFKA.
Awoodda uu qofku hawl ku qabto oo yaraata maadaama muruqyada iyo lafuhu awood yari ay lasoo daristay .
Qofku waxa uu ahaanayaa qof caajis badan .
- KORODH MIISAAN.
Hoos u dhigista testosterone waxay horseedi kartaa korodhka dufanka jidhka. Xaaladaha qaarkood, dadka qaba yaraanta hormoonku waxay ku dhacaan gynecomastia, taas oo keenta bararka naasaha.
- TIMO-DAADASHO.
Dad badan ayaa la kulma timo lumis sida qayb dabiici ah oo ka mid ah gabowga, iyo da’da la xiriirta da’da ayaa sidoo kale saameyn karta qof kasta.
CALAAMADAHA KALE EE LAGU OGAADO WAXA KA MID AH .
- Xajmiga iyo dhererka dhikilaha oo isbedel uu ku yimaad.
- Hurdo yaraan .
- Fikir badan.
DUMARKA HADII UU HOOSEEYO TESTESTERONE MAXAA LAGU GARTAA?
- Dhiigga caadada oo khalkhala.
- Qalal badan oo xubinta ah.
- Dhiig la’aan.
MAXAA HOOS U DHIGA TESTESTRONE KA?
- Caabuqa ku dhaca dhikisha.
- Daawooyinka caabuqa lagula tacaalo.
- Daroogada iyo maandooriyeyaasha dhammaan .
- Xanuunada ku dhaca qanjidhka maskaxda ku yaal ee loo yaqaan pitutary gland.
- Daawooyinka kansarka .
- Ilmo-galeenka hadii laga saaro gabadha.
DAAWEYN .
Hadaad calaamadahan isku aragtid fadlan dhakhtar hore u gaaadh.