Ad Blocker Detected
Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.
Baytaraafku waa mid mid ah khudaarta ugu muhiimsan ee aynu ka helno iltamareed aad u nafaqo badan.
Waxa aynu ka helnaa nafaqooyin aad u badan oo iskugu jira macdano,fiitamiino ,sonkoro iyo duxo.
HEERKA NAFAQO EE AYNU KA HELNO BAYTARAAFKA.
- Barootiinka ku jira 1.6 g.
- Macdanta Potassium10 g.
- Macdanta calcium 0.01g
- Macdanta magnesium5%.
- Macdanta milixda 78mg.
- Subaga duxda ku jirta 78mg.
- Sonkorta ku jirta 430.2g.
FIITAMIINADA AYNU KA HELNO WAXA KA MID AH :–
- Fiitamin c 8%.
- Iron 4%.
- Fiitamin b6 5%.
JIDHKEENU MAXAA UU KA HELAA BAYTARAAFKA.
Nafaqooyinka ku jira awgood iyo faaiidooyin badan oo illaa hadda la bayaamin oo ku jira baytaraafka waxa ka mid ah :-
- Waxa uu hoos udhigaa cadaadiska dhiigga .
- Xanuunka asaasaqa uu ka hortagaa .
- Xanuunada ilmaha caloosha ku jira ku dhaca .
- Hawo-mareenka waxa uu siiyaa awood uu kaga hortago caabuqa sida oofta iyo xanuunada kale.
- Beerka ,waxa uu awood siiyaa in uu ka hortago dhamman xanuunada beerka.
- Awoodda xubnaha taranka iyo badqabkooda oo uu ka qayb-qaato.
- Waxa uu ka hortagaa xanuunka kansarka.
- Ilaalin iyo badqab uu siiyo indhaha.
- Waxa uu awoodsiiya is-haysashada jidhka si aad si fudud aad ugu jimicsatid ugu socotid.
CADAADISKA DHIIGGA.
Baytaraafku waxay leeyihiin nitrates si dabiici ah u soo baxa kuwaas oo loo beddelo nitric oxide marka ay soo gasho jidhka ibnu aadamka( uu quuto) . Nitric oxide waxay caawisaa inay dejiso oo ay ballaadhiso xididdada dhiigga , waxay wanaajisaa socodka dhiigga waxayna yaraynaysaa cadaadiska dhiigga. baytaraafku waxa uu u roon yahay cadaadiska dhiigga, aad bayna faa’iido ugu leedahay inay hoos u dhigto cadaadiska dhiigga laba saacadood gudahood.
IS-HAYSASHADA JIDHKA IYO AWOODDA JIMICSIGA.
Madada nitric oxide ee jidhkeenu uu ka helo baytaraafka waxa ay awood siisaa 16% in muddo dheer qofku uu sii jimicsan karo hadii uu sameeyo cabitaan koob baytaraaf ah.
CAAFIMAADKA WADNAHA.
Duxda triglycerides ayaa halis weyn ku ah wadnaha ,baytaraafku waxa uu yareeyaa heerka triglyceride ka iyo cholesterolka ee dhiigaaga dhex-socda iyaga oo loo bedelaayo dux-caafimaad leh.
XANUUNAD ILMAHA -CALOOSHA KUJIRA KU DHACA.
Baytaraafku waa maado ay ku badantahay fiitamin b folate oo kor uqaada caafimaadka ilmaha ee lafta madaxa iyo laf dhabarta .
folate-waxa ay ka hortagtaa xanuunada neerfaha ku dhaca ee ilmaha yar uu darsi karo.
KANSARKA.
Baytaraafka waxa ku jira midabka betacyaninis kaas oo ka hortagi kara koritaanka unugyada kansarka.
XANUUNADA MASKAXDA.
Qulqulka dhiiga ee meelaha maskaxda ka mid ah ayaa yaraada marka ay da’du dhacdo tani waxay keeni kartaa luminta garashada iyo ugu dambeyntii waallida.
Xaaladdan waxa loo yaqaan asaasaqa.
HAWO-MAREENKA.
Faytamiin C, oo laga helo baytaraafka waa anti-oxidant awood leh oo u wanaagsan habka difaaca jirka. Ma aha oo kaliya Faytamiin C waa anti-oxidant awood leh oo ka ilaalinaya jirka ka hortagga xagjirka xorta ah, sidoo kale wuxuu kiciyaa dhaqdhaqaaqa unugyada dhiiga cad oo ah khadka aasaasiga ah ee jirka kaas oo marwalba difaac ugu jira ilaalinta iyo ka hortagga xanuunada.
DHIIGGA IYO BEERKA.
Baytaraafka waxa ku jira maado loo yaqaan betalin oo ka qaybqaadata habka labaad ee lagu saaro sunta dhiiga iyo beerka.
Maadadaas waxa ay kor uqaadaysaa in dhiiggaaga iyo beerkaaguba ay noqdaan qaar ka nadiif ah sunta.
CAAFIMAADKA INDHAHA.
Maadada loo yaqaan beta-carotene ayaa ah maaddo ka hortagta xanuunada indho laa’ntu ka mid tahay kuwaas oo la darsa indhaha.
maadada beta-carotene ayaa ah maado ku badan baytaraafka.
MAALINTII XADDI INTEE LEEG AYUU QAADAN KARAA QOFKU?
Waxa uu qaadan karaa xadii ah xabbadd baytaraaf ah isaga oo ukale qaybinaya wakhtiyada uu qofku uu wax cuno.
DHIBAATOOYINKA UU LEEYAHABAYTARAAFKU?
Qofku hadii uu badsado oo xaddi badan uu isticmaalo baalintii waxa uu qofku kale kulmi karaa xaaladan :-
- Xasaasiyad
Hadii aad xasaasiyad aad ku leedahay ,xaaladda ayaa ay kugu sii kordhinaysaa fadlan ha isticmaalin.
- Dhagaxaanta kelyaha.
Maadaama macdano badan ay kujiraan oo xadigoodu badan yahay qofku hadii u badsado waxa uu la kulmi karaa in milixbadan ku samaysanto kelyihiisa.