HALIS CAAFIMAAD OO INTEE LEEG AYAA KA DHALAN KARTA AGABKA AY CARUURTU KU CIYAARTO MAALMAHA CIIDDA?

Ad Blocker Detected

Our website is made possible by displaying online advertisements to our visitors. Please consider supporting us by disabling your ad blocker.

Maalmaha ciidda iyo maalmaha farxaduhu ay jiraan waxa aynu la wadaagnaa caruurteena inaga oo u iibinayna agab ay ku ciyaaraan sidan qori ,baaskoolad iyo biibii ay buufinayaan.

Dr Axmed Ismaaciil Cige oo ku takhasusay cudurrada indhaha kana howlgala magaalada Hargeysa ayaa BBC-da uga warbixiyay dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta waxyaabaha ay carruurta ku dheelaan xilliyada ciidda.

Wuxuu sheegay in qalabka qaar ay carruurta ku dheelaan ciidda uu waxyeelleyn u geysan karo indhaha.

“Waxyaabaha carruurta xilliyada ciidda ay ku ciyaaraan oo ay madadaalada ka dhigtaan, farxadda ka sokow waxaa ka dhalan kara dhibaato badan oo caafimaad oo xagga indhaha ah ayay keeni karaan, waxyaabo qarxaya ayaa jiraa, waxyaabo duulayo ayaa jiraa , wuxuu waxyeelaa isha, isha dhiig buu ku furaa, isha wey dilaaci kartaa, shabakadda hoose ee indhaha ayaa soo fuqi karaa”

Dr Axmed Cali wuxuu intaa ku daray in marar badan uu qaabilay carruur dhibaato kala kulantay qalabkan xitaa qaarkood ay adkaatay in wax laga qabto xaaladdooda.

Mararka uu liito waxkaqabadka haddii dhibaatadu ay aad u culus tahay oo ay adkaato daweynta, xilliyada ciidaha waan aragnaa carruur bu’da hore ee isha jeexantay tan ugu badan ee aan aragno ayaa ah in qeybta hore ee isha uu dhiig ku furmay mararka waxaan aragnaa caadka uu dhaawacu keeno”.

BAAQ .

  • Ilmahaaga ha u iibin qoriga ay ka dhacayso rasaasta caaga ah iyo baaruuddu.
  • waxa jira agabyo badan oo caruurtu ay ku ciyaari karaan oo saamayn ku lahayn caafimaadkooda sida baabuurta laydhka bixinaysa.
  • ha u dhaweyn ilmahaaga waxyaabaha ay ku ciyaaraan kaas oo ay ku jiraan waxyaabo kiimikooyin ah .

XIGASHO.

BBC .